WARBIXIN: Real Madrid Oo Maalmo Kooban Ciyaari Doonta Saddex Kulan Oo Muhiimad Khaas Ah Kooxdeeda U Leh Iyo Saamaynta Kulamadii Caalamiga Ahaa Ee Xidigaha Madrid.

Zinedine Zidane ayaa xarunta tababarka kooxdiisa Real Madrid dib ugu soo wada dhawayn doona xidigihii ka soo qayb galay kulamadii caalamiga ahaa ee la ciyaaray labadii todobaad ee ugu danbeeyay. 20 ciyaartoy oo RealĀ  Madrid ka tirsan ayaa looga yeedhay xulalka qaramadooda laakiin 8 ka mid ah ayuu Zidane u baahan doonaa in uu xaaladooda si gaar ah u eego.

Xulalka qaramada aduunka ayuu mid kastaaba ciyaaray 2 kulan oo u dhiganta 180 daqiiqo marka laga reebo safarka iyo socdaalka ay ciyaartoydu galeen laakiin 8 xidig oo ka mid ah 20 ka ciyaartoy ee Real Madrid uga qayb galay kulaamadii caalamiga ahaa ayaa saftay 180 kii daqiiqo ee xulalka qaramadoodu ciyaareen.

 

Real Madrid ayaa maalmo kooban ciyaari doonta saddex kulan oo jamaahiirta kooxdeeda khaas u ah isla markaana muhiimada xili ciyaareedkan lagu sifayn karo ee Los Blancos. Laakiin Zidane ayaa qiimayn doona xaalada ciyaartoyda kooxdiisa marka uu si buuxda ugu wada helo xarunta tababarka.

Xidigaha ay tahay in Zidane uu xaaladooda si gaar ah u eego ee 180 daqiiqo soo ciyaaray kulamadii caalamiga ahaa ayaa kala ah Carvajal & Ramos (Spain), Cristiano Ronaldo (Portugal) Keylor Navas (Costa Rica), Marcelo & Casemiro (Brazil), Kroos (Germany) iyo Ceballos (Spain U-21). Laakiin Lucas VƔzquez (33 daqiiqo) iyo Nacho (39 daqiiqo) ayaa waqti aad u kooban ciyaaray taas oo Zidane siin karta doorasho fiican.

Ciyaartoyda Real Madrid ayaa guud ahaan safray fogaan dhan 127,617 kilomitir laakiin warka ugu fiican ee uu Zidane haysto ayaa ah in aanu jirin walwal dhaawacyo xidigaha kooxdiisa ku soo gaadhay intii ay socdeen kulamadii caalamiga ahaa.

Ugu horayn Real Madrid ayaa sabtida March 31 u safri doonta kooxda dhibtoonaysa ee Las Palmas waana kulan horyaalka La Liga ah kaas oo aan ahayn mid wax walwal ah ku haya Zidane wuxuuna haystaa fursad uu ku nasin karo xidigaha kooxdiisa ugu muhiimsan.

Laakiin imtixaanka kowaad ayaa Zidane u bilaami doona April 3 marka ay kooxdiisa Real Madrid booqato kooxdiisii hore ee Juventus waana kulanka lugta kowaad ee UEFA Champions league laakiin April 8 waxay markale Real Madrid wajihi doontaa kooxda ay dariska yihiin ee Atletico Madrid waana kulan ay kaalinta labaad ee La Liga si wayn ugu dagaalami doonto.

Laakiin xaalada adag ee Zidane sugaysa ayaa ah sida uu u maarayn doono in kulanka Madrid Derby uu muhiimad wayn siiyo in uu ka fikiro kulanka lugta labaad ee Juventus oo isna la ciyaari doono April 11 taas oo la micno ah in Real Madrid ay maalmo kooban ciyaari doonto saddex kulan oo muhiimad khaas ah jamaahiirta kooxdeeda iyo xili ciyaareedkeeda u yeelan doona.

Halkan kaga bogo kulamada Ay Real Madrid Ciyaari doonto Min March 31 Ilaa April 18:

Real Madrid ayaa muhiimada kowaad ka dhigan doonta kulamada UEFA Champions League maadaama oo uu yahay koobka kaliya ee ay u ordayso balse sidoo kale natiijada kulanka Madrid Derby ayaa ah mid aanu Zidane yaraysan doonin balse dhibta ugu wayn ayaa ah in kulaka Atletico Madrid uu u dhexeeyo kulamada lugta kowaad iyo labaad ee UEFA Champions League ee ay Madrid la ciyaari doonto Juventus.