WARBIXIN: Rejada Arsenal Ee Helitaanka Saxiixa Andres Iniesta Oo Hal Shardi Ku Xiran

Waxaa lagu soo warramayaa in Arsenal u dhaqaaqi doonto saxiixa Andres Iniesta haddii uu Luis Enrique noqdo tababareheeda.

Iniesta waxa uu ka tagi doonaa Barcelona dhammaadka ol’olahan isaga oo waayo cusub meelo kale ka curin doona.

Arsenal, Manchester City iyo kooxaha MLS-ka ayaa loolan ugu jira helidda kubad abuurahan rug cadaaga ah.

Majaladda AS eek a soo baxda Spain waxa ay qataa in Arsenal kalsooni leedahay waa haddii Luis Enrique bedelo Arsene Wenger.

Enrique saddex sano ayuu ku soo leyliyey Iniesta gegida Camp Nou.

 Sagaal koob ayey labadooda kuwada qaadeen Camp Nou, xilli uu Ineista ka caawiyey dhexda Luis Suarez iyo Lionel Messi.

Hase ahaatee, AS, waxa ay qortay in Arsenal oo qura ahayn kooxaha doonaya Iniesta.

Manchester City ayaa ka mid ah kooxaha doonaya in ay bilaash ku helaan Iniesta, Arsenal iyadu rejada qura ee ay qabto waa in Enrique tababare u nqodo.

Haddii ay taasi dhici weyso, Pep Gaudriola ayaa uga cad caddaan doona saxiixa Iniesta.