WARBIXIN: Saddex Arimood Oo Ay Tahay In Antonio Conte Uu Ka Barto Macalinkii Hore Kooxda Chelsea Roberto Di Matteo, Si Uu Barcelona Kaga Cirib Tiro Tartanka UEFA Champions League-ga.

Arinta kuma xirna oo kaliya rikoodh ama tirakoob, balse Barcelona uma dhibtoodo inta badan sida ay ugu hor dhibtoodo kooxaha ka dhisan dalka Talyaaniga, ama kooxaha ay leelinayaan macalimiinta kasoo jeeda dalka Talyaaniga kulmada ay kaga hor timaado tartanka UEFA Champions League-ga.

Kooxda Juventus iyo Chelsea uu hogaaminayay macalinka reer Talyaani ee Roberto Di Matteo iyo sidoo kale kooxda Inter Milan ayaa sabab buuxda u ahaa in Barcelona ay ku fashilanto in halkeeda ay kasii wadato howlgalkeeda kua aadanaa tartanka UEFA Champions League-ga, kulankii ugu dambeeyay ay sidaas la kulanto ayaa wuxuu ahaa xili ciyaareedkii hore kadib markii ay kahor yimaadeen kooxda Juventus, waxayna ku guuldareesatay kooxda reer Catalonia inay wax gool ah ay kaga dhaliso labada kulan ay wada ciyaareen.

Hase yeeshee, tijaabada dhabta ahayd ayaa wuxuu ahaa macalinka reer Talyaani ee Roberto Di Matteo oo Chelsea soo hogaamiyay kadib José Mourinho iyo André Villas-Boas oo bartamihii xilli ciyaareedkii 2012/2012 shaqada laga ceydhiyay.

Di Matteo ayaa ku guuleystay xiligaas in Chelsea uu gaarsiiyo wareega semi-finals-ka waxayna isku arkeen kooxda Barcelona oo isna xiligaas hogaaminayay Pep Guardiola isla markaana ahayd koox cajiib ah, waxaana la filayay in kulanka uu noqon doono mid ay kasoo gudbi doonaan Lionel Messi iyo saaxiibadiis.

Laakiin sheekada ayaa u dhacday si ka duwan sida ay cid kasta niyada ku heysay marka loo fiirayo rajada ay qabeen kooxda Chelsea uu hogaaminayay macalinka reer Talyaani waxayna Roberto Di Matteo iyo wiilashiisa ku guuleysteen in Barcelona ay kaga cirib tiraan  tartanka UEFA Champions League-ga, garoonka Cump Nou.

1. Joojinta Lionel Messi:

Tababare Roberto Di Matteo ayaa labadii kulan uu kula ciyaaray Barcelona garoomada Stamford Bridge iyo Camp Nou, wuxuu ku guuleystay inuu xakameeyo halista ka imaan kartay laacibka reer Argantina iyo kooxda Blaugrana ee Lionel Messi.

2. Isticmaalida Weerarada Gaadmada Ah:

Ciyaartoyda Chelsea uu hogaaminayay Roberto Di Matteo ayaa waxay kaga yaabsadeen kooxda Barcelona weerarda gaadmada ah, gaar ahaan kulankii lugta labaad ay labada kooxood ku wada ciyaareen garoonka Cump Nou, maadaama ay Blues kulankaas ku xaqiijisay inay u gudubto wareega xiga ee tartankan kadib markii ay ka cidhib tirtay Barcelona.

Chelsea ayaa awooday inay labo gool kaga dhaliso Blaugrana garoonka Nou Camp, iyadoo natiijada ay go’aamisay kulankan, balse sheekada xiisaha badan ayaa ahayd in 2-da goolba ay ku yimaadeen qaab gaadmo ah, waxayna kaga faa’ideysteen fursadihii ay ka heleen difaacyada Barcelona, gaar ahaan goolkii labaad ee uu dhaliyay Fernando Torres, kadib markii uu helay fursad uu kali kula noqdo goolhaye Victor Valdes.

3. Xaalada Barcelona Ee Ah Cadaadiska Xili Hore:

Inkastoo kabtanka kooxda Chelsea ee John Terry uu karaka casaanka qaatay qeybtii hore ee ciyaarta, hadana Blues ayaa xiligaas faa’iido ku yeelatay goolka ay kaga dhalisay Barcelona garoonka Stamford Bridge.

Kulankii lugta labaad Blaugrana ayaa ayaa kusoo gashay dardar aad u xoogan sababa la xidhiidha goolkii uu la yimid laacibkii Blues ee reer Brazil Ramires, kaasoo rajo xoogan galiyay kooxda reer London inta ay ciyaarta socotay.

Qeybtii labaad oo idil ciyaartoyda kooxda Barcelona waxay isku dayeen in ay kala furaan difaaca birta ahaa ee kooxda Chelsea, xeelada siyaasadeed ee Roberto Di Matteo ayaana xaalada ku sii xumeesay kooxda Blaugrana, ilaa iyo uu Fernando Torres ka dhaliyay goolkii labaad ee Chelsea daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta, wuxuuna si toos ah ugu suuragaliyay Blues in ay Barca kaga gudubto wareega xiga ee tartankan.

Si kastaba kulanka Barcelona iyo Chelsea ee wareega 16-ka Champions League xili ciyaareedkan ayaa ah kan ugu xiisaha badan ay jamaahiirta kubada cagta ay isha kuwada hayaan, iyadoo ay ka dhigeyso in labadan kooxood ay markii saddexaad ay isku arkaan kulamada isreeb reebka ee tartanka Champions League-ga mudada 10-kii sano ee lasoo dhaafay.

Indhaha jamaahiirta caalamka ayaana kusii jeeda habeenka Arbacada gaar ahaan kuwa qaarada yurub garoonk Cumo Nou, kadib marka ay labada kooxood geesaha isku daraan kulanka Lugta labaad wareega 16-ka Champions League-ga xili ciyaareedkan.

Lugta koowaad kulankii lasoo dhaafay kooxaha Chelsea iyo Barcelona ee ka dhacay Stamford Bridge ayaa wuxuu kusoo idlaaday barbaro 1-1 ah, taasoo ka dhigeysa in tababaraha reer Talyaani ee Antonio Conte uu u baahan yahay in uu ugu yaraan  gool ku dhaliyo garoonka Camp Nou.