WARBIXIN: Wax Badan Ka Ogow Xidigaha Lixda Kooxood Ee Waa Wayn Ee Premier League Ka Tirsan Ee 20 Gool Ama Ka Badan Ku Lug Yeeshay- Kooxdee Ugu Fiican? Ayaase Ugu Liita?

Horyaalka Premier league ayaa galay qaybtii ugu danbaysay ee ugu xiisaha badan waxaana haddaba jira ciyaartoy badan oo door wayn ka soo ciyaartay kooxaha waa wayn ee premier league intii uu xili ciyaareedkani socday. Laakiin lixda kooxood ee waa wayn ee horyaalka Premier League ayaa ku kala duwan doorka ay ciyaartoyda kooxahoodu ka soo qaateen kulamadii tartamada oo dhan.

Xidigo badan oo la filayay in ay door wayn ka ciyaari karaan horumarka kooxahooda ayaan ka soo muuqan xidigaha ilaa hadda qaybta ugu waynka soo qaatay kulamadii tartamada oo dhan ee ay kooxahoodu soo ciyaareen halka kuwo kale ay seefta galka ka saareen oo ay la soo baxeen qaab ciyaareed aan laga filayn.

 

Haddaba shabakada Gool24.net ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa xog muhiim ah oo la xidhiidha liiska ciyaartoyda lixda kooxood ee waa wayn ee Premier League ee xili ciyaareedkan ku soo lug lahaa 20 gool ama wax ka badan oo iskugu jira gool dhalin iyo gool caawin iyada oo xogtani tahay mid kulamada tartamada oo dhan ah.

Haddaba akhrista halkan si sahlan oo la fahmi karo ugaga bogo xogta ciyaartoyda koox kasta oo wayn oo Premier League ah ugu soo lug lahaa 20 gool ama wax ka badan tartamada oo dhan.

Liiska Ciyaartoyda Manchestr City Ee 20 Gool Ama Wax Ka badan Ku Soo Lug Yeeshay:

1- Sergio Aguero- 30 gool + 7 gool caawineed = 39 gool

2- Kevin De Bruyne- 11 gool+ 19 gool caawineed = 30 gool

3- Raheem Sterling- 20 gool + 8 gool caawineed = 28 gool

4- Leroy Sane -12 gool + 15 gool caawineed = 27 gool

5- David Silva-9 gool + 12 gool caawineed = 21 gool

Liiska Ciyaartoyda Liverpool Ee 20 Gool Ama Wax Ka badan Ku Soo Lug Yeeshay:

1-Mohamed Salah- 36 gool + 10 gool caawineed = 46 gool

2-Roberto Firmino -23 gool + 12 gool caawineed = 35 gool

3-Sadio Mane- 14 gool + 9 gool caawineed = 23 gool

4- Philippe Coutinho -12 gool + 8 gool caawineed = 20 gool

Liiska Ciyaartoyda Tottenham Ee 20 Gool Ama Wax Ka badan Ku Soo Lug Yeeshay:

1- Harry Kane- 35 gool + 4 gool caawineed = 39 gool

2- Son Heung Min- 18 gool + 9 gool caawineed = 27 gool

3- Dele Alli -10 + 14 gool caawineed = 24 gool

4-Christian Eriksen-11 gool+ 9 gool caawineed = 20 gool

Liiska Ciyaartoyda Man United Ee 20 Gool Ama Wax Ka badan Ku Soo Lug Yeeshay:

1- Romelu Lukaku-25 gool + 8 gool caawineed = 33 gool

2- Anthony Martial-11 gool + 9 gool caawineed = 20 gool

3-Marcus Rashford – 12 gool + 8 gool caawineed = 20 gool

Liiska Ciyaartoyda Chesea Ee 20 Gool Ama Wax Ka badan Ku Soo Lug Yeeshay:

1-Eden Hazard -15 gool + 10 gool caawineed = 25 gool

2- Willian 13 gool + 8 gool caawineed = 21 gool

Liiska Ciyaartoyda Arsenal Ee 20 Gool Ama Wax Ka badan Ku Soo Lug Yeeshay:

Ma jiro hal ciyaartoy oo Arsenal ka tirsan oo xili ciyaareedkan ku soo lug yeeshay 20 gool ama wax ka badan taas oo muujinaysa sida ay xidigaha Gunners xili ciyaareedkan uga jiiftay ee ayna ula tartami karin ciyaartoyda ay horyaalka premier league ku xifiltamaan.

Sida aad xogtan kaga soo bogatay waxaa si cad u muuqata in xidiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah uu noqday kan ugu fiican ee goolasha ugu badan ka soo qayb qaatay xili ciyaareedkan isaga oo 46 gool oo ay Liverpool tartamada oo dhan ka soo dhalisay ku soo lug lahaa waa 36 gool iyo 10 gool caawineed.

Waxaana kaalinta labaad kuwada jira Harry Kane iyo Sergio Aguero oo min 39 gool iyo gool caawineed ku soo lug lahaa kulamadii tartamada oo dhan ay uga soo ciyaareen kooxaha Manchester City iyo Tottenham inkasta oo Harry Kane oo gool dhalinta ku horeeyo.

Waxa kale oo aad soo aragtay in Manchester City ay tahay kooxda xidigaha ugu badan oo shan ahi liiskan ugu jiraan halka Liverpool iyo Tottenham yihiin kooxaha labaad iyo saddexaad ku kala jira ee min afar ciyaartoy liiskan ugu jiraan inkasta oo ay kala saamayn badan yihiin.

Man United saddex ciyaartoy ayaa gaadhay isku darka goolasha iyo gool caawinta ee gaadhsiisan 20 gool halka Chelsea ay laba xidig oo kaliya ku yeelatay balse waxaa gabi ahaanba goobta lagu xifiltamayo ka maqnaatay Arsenal oo aan yeelan hal ciyaartoy oo ku lug yeeshay 20 gool.