Wareegii Kobaad Ee doorashada Oo Soo idlaaday iyo 4 Musharax Oo U Gudubtay Wareega 2aad Ee Doorashada

Waxaa goordhow soo Gaba gabowday Wareega 1ad ee tirinta Codadka musharxiinta u taagan qabashada xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya,waxana maanta codeeyay 266 Xildhibaan waxana ay musharixiinta codadka u kala heleen.

Xildhibaan Maxamed Mursal Sh 83 Cod

2-Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow 69 Cod

3- Xildhibaan C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen 54 cod

4- Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla 19 cod

5-Xildhibaan Cali Sheekh Nuur 16 cod

6- Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow 7-cod

7- Xildhibaan Maxamud Macalin Yaxye 7-cod

8- Xildhibaan Shariif Sheekhunaa Maye 5-cod

9- Xildhibaan Idris Cabdi Dhaqtar  iyo Xildhibaan Iimaan C/laahi Nuur  min 3 cod

10 musharax ayaa ku tartamay doorashada balse waxaa Wareega 1aad ku haray ilaa 6 musharax iyada oo ay isku soo hareen ilaa 4 musharax oo kala ah

Maxamed Mursal Sh,Cabdiraxmaan oo helay 83 cod

Ibraahim Isaaq Yarow oo helay 69 cod

Cabdi Casiis Xasan Maxamed lafta Gareen oo helay 54 cod

Iyo Shariif Maxamed Cabdalla oo helay 19 cod

4 musharax ayaa ku tartami doona Wareega labaad ee doorashada oo ka sii xiiso badan Wareegii 1aad.

Goordhow waxaa la guda geli doonaa Wareega 2aad ee doorashada,iyada oo an weli la saadaalin Karin cida ku guuleysan karta doorashada xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.