Wargayska Marca Ee Madrid Ka Soo Baxa Oo Fariin Cad U Diray Neymar Jr Iyo Olole Wayn Oo Xaalada Xun Ee PSG La Hoos Dhigay.

Wargayska Marca ee Madrid ka soo baxa isla markaana ka mid ah warbaahinta sida wayn ugu dhaw kooxda boqortooyada Los Blancos ayaan waqti badan u baahan kadib guuldaradii PSG ka soo gaadhay Real Madrid, waxayna markiiba xidiga aduunka ugu qaalisan ee Neymar Jr u direen fariin iyaga oo u sheegay in haddii uu doonayo in guulaysato ay waajib ku tahay inuu ku soo biiro Real Madrid.

Neymar Jr oo qaliin maray ka hor kulankii Real Madrid iyo PSG ku dhex maray Paris ayaa seegay kulankan wuxuuna haddaba arkayaa kooxdiisa oo laga saaray tartankii ugu muhiimsanaa ee UEFA Champions League. In rajadii PSG ee Champions League-gu ay soo dhamaatay waxay la micno tahay in Neymar aanu xili ciyaareedkan heli doonin fursad uu si cad ugu tartami karo abaal marinta uu ku riyoonayo ee Ballon D’or.

 

Warbixinta Marca ayaa lagu bilaabay in guushii ay Real Madrid soo gaadhay ayna kaliya ahayn mid ay ugu soo baxday siddeed dhamaadka Champpions League balse ay Paris Saint-Germain ku garacday marti iyo minanba iyada oo taas laga soo saaray in ay fariin cad u tahay Neymar Jr.

Waxaana qoraalka lagu yidhi: “Cidhibtirku waxa uu fariin u diray Neymar-ka dhaawcan iyada oo isaga xusuusisay in haddii uu doonayo in uu guulaysto ay waajib ku tahay in uu u saxiixo Real Madrid. PSG miyaa, waxay natiijadani ula micno tahay in ayna wali maamuli karin Yurub sida ay France u maamulaan”.

Wargayska Marca ayaa maamulka iyo ciyaartoyda PSG eedayn u soo jeediyay kadib guuldaradii Paris waxaana qoraalka lagu sii yidhi:  ” Waxaa laga yabaa in ay malayiin euros jeebkooda ka soo saareen, laakiin waxaa ka maqan natiijo iyo dhaqan fiican oo garoonka dushiisa ah. Marco Verratti isaga ayaa injiineer ka ahaa ciyaar ka saaristiisii isaga oo kooxdiisa kaga baxay 10 nin 25 kii daqiiqo ee ugu danbeeyay iyada oo 1-0 hogaanka looga hayay”.

Ugu danbayn wargayska Marca ayaa qormadiisa ku soo xidhay sababtii Neymar uu kaga baxay Barcelona iyo sida kaliya ee uu guusha ugu soo laaban karo waxaana qoraalka lagu yidhi: “Neymar waxa uu Barcelona uga baxay isaga oo raadinayay in uu Sportska maamulo, laakiin haddii uu doonayo in uu ku soo laabto tubta guulaysiga, waxaa waajib isaga ku ah in uu xidho maaliyada cad ee Real Madrid”.

Dhinaca kale jamaahiirta Barcelona ayaa si wayn ugu maadsaday Neymar Jr iyo PSG oo lacag dhan 222 milayn euros ku burburisay heshiiskii uu xidiga ree Brazil ku joogay PSG iyada oo kooxda ree France markale ku fashilantay in ay gaadho hamigeedii ahaa in ay horumar fiican ka samayso UEFA Champions League.