Warmurtiyeed ka dhan ah Dowladda Somaliya oo laga soo saaray Shirkii Gorowe.

Puntland ayaa War Murtiyadeed kasoo saartay Shirkii Wadatashiga Puntland ee Saddex maalin ee lasoo dhaafay ka socday Magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland.

Shirkaan Qodobadda kasoo baxay waxaa ka mid ah inĀ  aysan Puntland aqbaleyn doorasho qof kasta codkiisa dhiibta oo dhacda sannadkan dhamaadkiisa, waxaana Qoraalka lagu sheegay in sharcigaas uusan damaanad qaadeyn arrimaha doorasho furan.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in aysan aqbali doonin Mudo kororsi ay sameystaan Madaxda dowladda Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka, waxaa lagu sheegay in ay Puntland casumaadĀ u fidinayso saami-leyda siyaasada Soomaaliya, ee dalka si loo badbaadiyo dalka.

Qodobadda waxa qeyb ka ahaaĀ  Dastuurka dib looĀ  dhigo , islamarkaana loo daayo dowladda iman doonta 2020/2021.