Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya iyo Wasaaradaha/hey’adaha Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee heer Dowlad Gobaleed ayaa kulankoodii ugu horreeyay isugu yimid magaalada Muqdisho
Kulankaa oo socday 13-14 Abriil 2019 waxaa looga hadlay laba ajande oo muhiim u ah howlaha gargaarka iyo dar dar galintooda,waxaana laga soo saaray Warmurtiyeed ka kooban dhowr qodob.