Warmurtiyeed laga soo saaray shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya

Wasiirka arrimaha dibedda Xukuumada Federaalka  Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa warbaahinta u akhririyey war murtiyeedka kasoo baxay shirkii Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka iskaashiga Islaamka ay maanta Magaalada Muqdisho markii ugu horeysay ay ku yeesheen.

Qodobada ugu muhiimsanaa war murtiyeedka ayaa kala ahaa In dalalka xubnaha ka ah ururka iskaashiga Islaamka  ay adkeeyaan midnimada iyo Qaranimada Soomaaliyeed, Dalalka kasoo qeyb galay shirkaani ayaa isku raacay in Soomaaliya laga taageero Dhaqaallaha, Amaanka, Siyaasada iyo isku soo dhaweynta dadka Soomaaliyeed.

Xafiiska horumarinta Soomaalia ee ururka iskaashiga Islaamka uu ku leeyahay Magaalada Jidda ee Dalka Sacuudiga in loo soo raro Soomaaliya ayey isla garteyn wadamada kasoo qeyb galay shirkaani sida uu wasiir Cawad warbaahinta u sheegay.

Shirkaan ayaa  markii ugu horeysan lagu qabtay Saoomaaliya waxaana ka maqnaa Dalalka Gabon, Brunei iyo Iran oo la filaayey in ay kasoo qeyb galaan maadama ay xubno ka yihiin kooxda Xiriirka Soomaaliya ururka iskaashiga Islaamka.