Warmurtiyeed laga soo saaray Shirkii 3aad ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee XFS iyo Wasaaradaha isgaarsiinta ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya

(Muqdisho – 30/11/2022) Waxaa Magaalada Muqdisho ku soo gebageboobey Shirka 3aad ee Wadatashiga Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee XFS iyo Wasaaradaha Isgaarsiinta ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka socdey Muqdisho 28da illaa 30ka Nofeembar 2022.
Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WI&T) ee Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa si rasmi ah u furay, soona xiray Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Iyada oo laga duulaayo halkudhigga ah “Soomaali hishiish ah” ayaa waxaa ujeedada shirkani ahayd in wasaaradaha isku shaqada ah ee heer federal iyo dowladaha xubnaha ka ah DFS ay yeeshaan wadashaqayn ku dhisan niyadsami iyo is-afgarad. Shirkaan waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Mudane Jaamac Xasan Khaliif, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Mudane Axmed Cismaan Diiriye, Wasiir ku-xigeenka Mudane Xuseen Axmed Culusoow, Wasiirka Isgaarsiinta, Teknolojiyada, Warfaafinta, Dalxiiska, Hiddaha & Dhaqanka ee Puntland Mudane Maxamuud Caydiid Dirir, Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee Jubaland Mudane C/rashiid Maxamed Ducaale, Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee Koonfur Galbeed, Mudane C/llaahi Shiikh Daahir, Wasiir kuxigeenka Boostada ahna kusimaha wasiirka, Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee Galmudug Mudane Cabaas Xuseen Cali, Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee HirShabeelle, Mudane C/fitaax Xasan Faarax. Agaasimaha Guud ee WI&T Mudane C/Casiis Duwane Isaaq, Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, Lataliyeyaasha WI&T, Agaasimayaasha guud iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaraddaha Isgaarsiinta ee heer Federaal iyo heer dowladaha xubnaha ka ah DFS, lataliyeyaal iyo hawlwadeenno kale.
Falanqayn iyo dood ka dib waxaa shirka wadatashiga 3aad la iskula meeldhigay, lagana soo saaray qodobadan hoos ku xusan:
1. Waxay wasaaradaha dowladaha xubnaha ka ah DFS uga mahadceliyeen Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WI&T) kulankan wadatashiga ah waxayna soo jeediyeen in la joogteeyo kulammada nuucan oo kale ah.
2. Waxay wasaaradaha dowladaha xubnaha ka ah DFS bogaadiyeen horumarka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WI&T) ay ku samaysay muddada kooban iyo howlaha qabsoomay.
3. In sharciyada iyo siyaasadaha ay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WI&T) ay gacanta ku hayso laga talageliyo dowladaha xubnaha ka ah DFS.
4. In tabashada Dowladaha xubnaha ka ah DFS ee Qod. 10aad ee Xeerka Isgaarsiinta Qaranka ee khusaysa xubnaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka wax ka beddelkiisa loo maro sifo waafaqsan shuruucda dalka.
5. Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WI&T) waxay hadda ku gudajirtaa sidii boostadii qaranka dib loogu yagleeli lahaa, taasoo WI&T iyo wasaaradaha dowladaha xubnaha ka ah DFS iska kaashan doonaan, kana wadashaqayn doonaan sidii uu dalku mar kale u yeelan lahaa adeeggaas baahida weyn loo qabo.
6. In tababarrada kor loogu soo qaadayo xirfadda shaqaalaha iyo xeeldheereyaasha Wasaaradaha dowladaha xubnaha ka ah DFS hadba sidii ku habboon looga qaybgeliyo tababbarada gudaha iyo dibeddaba.
7. In Mashruuca Isdhexgalka Isgaarsiinta Casriga ah ee Gobolka Geeska Afrika (EA RDIP) oo aan hadda weli billaaban, balse qorshaysan inuu billawdo sannadka 2023 dhexdiisa, inta uusan billaaban ka hor ay WI&T qorshayso kulan wadatashi ah oo lagu gorfayn doono tabaabushaha, habsami u socodka iyo dardargelinta mashruuca.
8. In Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WI&T) iyo Wasaadaradaha
dowladaha xubnaha ka ah DFS ay ka wadashaqeeyaan sidii Mashruuca Isdhexgalka Isgaarsiinta Casriga ah ee Gobolka Geeska Afrika (EA RDIP) dalka oo dhan looga wada faa’iideyn lahaa.
9. In la joogteeyo kulammada wadatashiga ah, kulanka kan xigana lagu qabto Magaalada Garoowe, ee caasimadda Puntland muddo dhaw oo ay soo g’aamin doonto WI&T.
DHAMMAAD