Warmurtiyeed laga soo saaray shirkii labada maalin garoowe uga socday Madasha siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ugana soo horjeesteen Doorashooyinka Qof iyo Cod ee Golaha Deegaanka.

Shir ay iskugu yimaadeen siyaasiyiinta mucaaradka Maamulka Puntland ayaa  waxay uga soo horjeesteen doorashada goleyaasha degaanka ee laga qaban-qaabinayo degaanada Puntland,

Warmurtiyeed ka soo baxay Madasha siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ayaa lagu da;baday  in gebi ahaanba la joojiyo hanaanka ay usocdaan doorashooyinka golayaasha degaanka ee ku salaysan qof iyo cod islamarkaana la isugu yimaado miiska wada hadal siyaasadeed si loo helo Hufnaan doorashooyin oo loo dhan yahay dhammaan dhinacyada Muxaafad iyo Mucaaradba.

Warka bayaanka lagu cadeeyey in doorashooyinka qof iyo cod ee laga qabanqaabinayo Puntland aan xal loo helin ay sababi karaan in ay ka dhalato xasilooni la,aan siyaasadeed iyo mid amni.