Warqad Ka Soo baxday Madaxtooyada Somaaliya Oo lagu Sheegay in Uu Madaxweynaha celiyay dhalashadii uu ka heystay Mareykanka

War-Saxaafadeed Maanta kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa lagu shaaciyay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dib u celiyay dhalashadii labaad ee uu ka heystay dalka Mareykanka.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 1-da Ogoosto, 2019, waxaan si rasmi ah idiinla wadaageynaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed uu celiyay jinsiyaddiisii labaad ee uu ka qaatay dalka Mareykanka.

Hawshani waa mid soo socotay in muddo ah oo ay ku hawlanaayeen sharciyaqaanno iyo xafiisyada qaabilsan jinsiyadaha ee Soomaaliya iyo Mareykanka.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku noolaa dalka Mareykanka muddo dheer isaga oo ka kororsaday aqoon iyo khibrado shaqo oo kala duwan, wuxuuna Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka noqdoy Ra’iisul Wasaare sanadkii 2010.

Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa oggolaanaya in muwaadinka Soomaaliyeed uu qaadan karo jinsiyad kale, balse markii la doortay ka dib, Madaxweynuhu waxa uu si iskiis ah u bilaabay qorshaha celinta baasaboorka labaad ee Mareykanka ah taas oo maanta soo idlaatay.