Warsaxaafadeed kasoo baxay DFS oo lagu sheegay in duqeymo ka dhacay Gobolka Shabeelaha Dhexe dilay 40 xubnood oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab

War Saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Warfaafinta dowlada federalka ayaa lagu sheegay in illaa 40 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay, tiro kalana lagu dhaawacay howlgal qorshaysan oo ka dhacay deegaanka Cali Fooldheere oo hoos taga degmada Mahadaay ee Gobalka Shabeellaha Dhexe.

Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegeyay in howlgalka ka dhacay Deegaanka Cali Fooldheere ay si wada jir ah iska kaashadeen  Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya.