Wasaaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Oo Sheegtay in waxkabedel lagu Sameeyay Arrimaha Xajka

Wasaaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa kulan la qaadatay masuuliyiin ka socday shirkadaha u adeega Xujeyda Somaaliyeed ee sanadkaan ku guuleystay inay xujeyda qaadaan.

Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay sidii si wanaagsan loogu adeegi lahaa Xujeyda Somaaliyeed,waxaana kulanka goobjoog ka ahaa Wasiiradaha Wasaaradaha Awqafta iyo Arrimaha Diinta ee Dowlad Goboleedyada.

Wasiir kuxigeenka Wasaaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Cismaan Aadan dhuubow ayaa sheegay in sanbadkaan 58 shirkadood ay u tartameen daabulida xujeyda Soomaaliyeed,hayeeshee ay ku guuleysteen 11 shirkadood oo Wasaaradu la Shqeyn doonto.

Waxaa uu sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay sanadkaan sameysay wax ka beddel waxyaabihii ay ka caban jireen dadka Soomaaliyeed ee xujeyda ah,isla markaana uu rajeynayo in lagu guuleysan doono.

Wasaaradda ayaa diyaar garowgii ugu dambeyey ugu jirta u adeegidda 11500 oo Xaaji sanadkan,waxayna balan qaaday in ay kormeeri doonta lana xisaabtami doonta Shirkadaha u adeega Xujeyda Soomaliyeed ayuu yiri Wasiir kuxigeenka Wasaaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.