Wasaarada Arimaha gudaha Oo Kahadashay Qilaafka M/Moomolgoboleeyda iyo Dowlada dhexe

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalaynta iyo dib u heshiisiinta ayaa looga hadlay Khilaafka dowladda dhexe iyo Maamul goboleedyadda, waxaa sidoo kale looga hadlay Warka Khilaafka soo kala dhex galay madaxda Sare ee maamulka Galmudug.

Warka kasoo baxay Wasaaradda ayaa sidaan u qornaa:

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalaynta iyo dib u heshiisiinta iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah, waxay si dhow ula socataa geedi socodka federaalaynta iyo doorashooyinka dalka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay gacan ku siin doontaa dhammaan dowlad goboleedyada sidii loo hirgelin lahaa doorashooyinka kusoo fool leh oo aan rajaynayno in ay u dhacaan si daah furan, xor ah, waafaqsanna dastuurka dalka.

Wasaaraddu waxay adkaynaysaa in la ixtiraamo ku dhaqanka dastuurka lana ilaaliyo muddada xil haynta iyadoo xaqiijin doota in ay doorashooyinku qabsoomaan waqtigii loo asteeyay si looga fogaado tallaabo kasta oo keeni karta muddo kororsi.

Wasaaraddu waxay sidoo kale ugu baaqaysaa madaxda dowlad gobaleedka Galmudug in ay soo afjaraan isafgaranwaaga kasoo cusboonaaday dhexdooda looguna baaqaysaa in ay dib ugu soo laabtaan dhaqangelinta heshiiskii lagu saxiixay Villa Soomaaliya taariikhdu markay ahayd, 06/12/2017 lana meel mariyo dhammaan qodobadii ku caddaa heshiiskaas.