Wasaarada Arimaha Gudaha oo Muqdisho ka Furtay Shir Muhiim ah.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ka daah furtay kulan guud oo ay isugu yimaadeen Odeyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray ololaha wacyigelinta iyo abaabulka shacabka ee dagaalka kula jiro Khawaarijta.
Kulanka oo si cod dheer ah loogu diiday joogitaanka argagixisada gudaha dalka, ayaa beelaha Soomaaliyeed iyo shacabka guud ahaan loogu baaqay in ay si buuxda uga qeyb qaataan ciribtirka Khawaarijta. Waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Mudane Cali Yuusuf Xoosh, Wasiiru Dowlaha Mudane Saadaad Caliyow, Wasiir Ku-xigeenka Mudane Cabdixakiim Ashkir iyo mas’uuliyiin kale