Wasaarada Arimaha gudaha oo Soo Magacawday Guddiga Shirka Dib u heshiisiinta Galmudug

Wasiirka Arrimaha Guddaha, Federaalka iyo dib-u-hishiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa magacaabay Guddiga Qabanqaabada Shir-weynaha dib-u-Heshiisiinta Galmudug.

Guddigan la magacaabay ayaa waxaa uu ka koobanyahay 12 Xubnood oo laga soo kala xulay 11 beelood oo dega deegaanada Maamulka Galmudug & xubin ka socota Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Guddaha, Federaalka iyo dib-u-hishiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa Warbaahinta u sharaxay Magacyada guddiga uu Magacaabay iyo Shaqooyinka ay qaban doonaan.