Magaalada Dhusamareeb ee Caasimada Galmudug waxaa Maanta ka Furmay Tartanka Qur,aanka Kariimka oo ay ka qayb galayaan 25 Arday oo Ka kala Socota Deegmooyinka Galmudug.
Munaasabada Daahfurta Tartanka Qur,aanka waxaa Taabagalinaysa Wasaarada Awqaafta Iyo Arimaha Diinta Galmudug waxaana kasoo qayb galay Culimaaa,udiin, Wasiiro, Xildhibaano, Maamulka, Magaalada Dhuusamareeb, Gobolka Galgaduud iyo Bulshada Caasimada, Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud.
Ugu Horayn waxaa Munaasabada ka warbixiyey Agaasimaha Wasaarada Awqaafta Iyo Arimaha Diinta Galmudug Macalin Nuur Cali Xaashi Waxaana Uuna Ka Sheekeeyay Muhiimada Tartankaan isagoo sheegay in Ardayda Tartankaan Kusoo baxdaa In ay Ka qayb gali Doonan Tartanka Qur,aan Ee Qaranka ee Muqdisho ka dhacaaya Bisha barakaysan ee Ramadaan.




