Wasaarada Qorshaynta Galmudug oo Cadaado Ka Furtay Tababar

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Dowlada Galmudug mudane Ahmed Mohamed Ali (Cantoobo) oo uu wehliyo Guddoomiyaha degmada Cadado Faarax Diiriye ayaa magalada Cadaado ka daah furay tababar ku saabsan hormarinta mashruuca barwaaqo.

Aqoon korarsigaan waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin ka socta dowladda FS iyo maamuladda Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Dowlada Galmudug mudane Ahmed Mohamed Ali (Cantoobo) ayaa madaxada Mashrucaan kula dardaarmay in ay muhiimad gaara siyaaan tayeynta Mashrucaan si bulshada uga faaidu

Mashruuca Barwaaqo oo horay wajigiisa koobad lagu magacaabi jiray Biyoole ayaa ka shaqeeya horumarinta kaabayaasha kala duwan ee dowlad dhiska Galmudug iyo guud ahaan dalka.