Gaalkacyo–15/NOV/2024:- Afhayeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Galmudug, Abdulahi Warsame Roble, ayaa si rasmi ah u furay tababar la xiriira adeegsiga kombiyuutarada oo loo qabtay qaar ka mid ah howl-wadeenada xarumaha daaweynta xoolaha ee ku yaalla deegaannada miyiga fog.
Tababarkan oo socon doona muddo dhowr maalmood ah ayaa diiradda lagu saarayaa sidii shaqaalaha xoolaha daweeya ee gobollada miyiga uga faa’iideysan lahaayeen teknolojiyadda casriga ah si ay u horumariyaan habka xog uruurinta, isgaarsiinta iyo la socodka xaaladda xoolaha.
Mudane Abdulahi Warsame Roble ayaa sheegay in tababarkani yahay tallaabo muhiim ah oo ka mid ah qorshaha wasaaraddu ku dooneyso in lagu tayeyno adeegyada xanaanada xoolaha, si loo xaqiijiyo in xoolo-dhaqatada ay helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh, xilli kasta iyo meel kasta oo ay ku sugan yihiin.
“Xarumo badan oo miyiga fog ah ayaa la’aan u qaba qalab casri ah iyo xirfado la jaan qaadi kara baahiyaha maanta. Sidaas awgeed, tababarkani waa mid wax ka taraya baahidaas,” ayuu yiri afhayeen Abdulahi Warsame Roble.
Mas’uuliyiinta wasaaradda iyo bahda caafimaadka xoolaha ayaa uga mahadceliyey hay’adaha iska kaashaday fulinta tababarkan, iyagoo rajo ka muujiyey in aqoonta laga faa’iiday ay saameyn togan ku yeelan doonto xaaladda caafimaad ee xoolaha gobolka.

