Wasaaradda Amniga ee dowlad-goboleedka Galmudug ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 21-ka October 2025, si rasmi ah u shaacisay mamnuucid lagu soo rogay soo dejinta gawaarida nooca Toyota 4WD ee loo yaqaan “Cabdibilaha”. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda, laga bilaabo maanta, lama oggolaan doono in gawaaridan lagu soo raro ama laga soo dejiyo dekedda Hobyo.
Wasaaradda ayaa si cad u sheegtay in tallaabadan looga gol leeyahay sugidda amniga, iyadoo digniin adag u dirtay cid kasta oo ku lug yeelata keenista gaadiidkan. Waxaa lagu wargeliyay in qof kasta oo jebiya amarkan loo aqoonsan doono inuu la shaqeynayo kooxaha argagixisada iyo dambiyada abaabulan.
Ugu dambeyntii, wasaaraddu waxay ugu baaqday dhammaan shirkadaha iyo cid kasta oo ay arrintani khusayso inay si buuxda u fuliyaan amarka, isla markaana ay ka gutaan waajibaadkooda si looga hortago cawaaqib xumada amni ee ka dhalan karta.