Wasaaradda Amniga Gudaha XFS oo Ciidamada amartay in la baaro Gaadiidka Ciidanka.

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa amartay in ciidamada ammaanka ee jooga baraha hubinta ay baaraan gaadiidka ciidamada ee ku sugan Muqdisho, si loo xoojiyo amniga.

Amarka ayaa yimid kadib weerarkii Godka Jilacow oo ay fuliyeen rag sitay dhar ciidan iyo gaari lagu buufiyay calaamadda NISA. Wasaaraddu waxay sheegtay in loo baahan yahay in si adag loo xakameeyo dhaqdhaqaaqa hubka iyo gaadiidka ciidamada, ayna lama huraan tahay in la dhaqan geliyo xeerarka iyo habraacyada amniga caasimadda.

Tallaabadan ayaa saameyn toos ah ku yeelanaysa ciidamada wata gaadiidka buufsan, kuwaas oo la mid noqon doona gaadiidka rayidka ee la marsiiyo baaritaannada adag ee isgoysyada Muqdisho.