Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed Oo Sheegay in Amniga Magaalada Beydhabo Ay Sugayaan Ciidamadii Dowladu Geysay

Wasaaradda Amniga ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in Ciidankii dhawaan la geeyay Magaalada Baydhabo in ay ku sugayaan Ammaanka Magaalada, islamarkaana ay xoojin doonaan Ciidanka ku sugan Magaalada Baydhabo.

Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Amniga maamulka Koonfur Galbeed Cabdirisaaq Cabdi Aadan ayaa warbaahinta u sheegay in Koonfur Galbeed ay u sii baahan tahay Ciidamo horleh si loo xaqiijiyo Guud ahaan Ammaanka Magaalada Baydhabo.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in Ciidamada ay ka qeyb qaadan doonaan suggitaanka Ammaanka goobta ay dhaceyso doorashadda iyo wafuuda Caalamiga ee Imaanaysa xilliga doorashadda Magaalada Baydhabo.

Hadalka Wasiirka ayaa kusoo beegmaya xilli Qaar ka mida musharixiinta u taagan u tartamaysa doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saareen waxa ay ugaga hadleen qoddobo badan oo xasaasi ah iyagoo dhaliilay dib u dhigista doorashada ee markii saddexad dib loo dhigey.

Musharaxiinta kala ah Mukhtaar Roobow Cali, Aadan Maxamed Nuur (Saransoor) iyo Ibraahim Macalin Nuur ayaa sheegay inaan laga talogelin dib u dhigista doorashada, waxayna intaas ku dareen iney ka walaacsan yihiin madax bannaanida Guddiga Doorashada oo faragelin kala kulmaya madaxda KMG ah ee Koonfur Galbeed.