Wasaaradda Amniga oo ka hadashay Amarkii Al-Shabaab ay kusoo rogeen Garoomada Kubada Cagta Ee Muqdisho

Wasaaradda  Amniga dowladda Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay go’aankii dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku xireen inta badan Garoomada lagu ciyaaro ee ku yaalla Muqdisho.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdicasiis Xildhibaan oo la hadlay Warfidiyeenka  ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay gacanta ku heyso Magaalada Muqdisho, islamarkaana Amarka Al-Shabaab uusan ka dhaqan gelikarin.

Waxaa uu sheegay in uu maamulada uu kaga digaayo in ay qaataan Amarada Al-Shabaab.

Shabaab ayaa xiray inta badan garoomadda lagu ciyaaro kubadda Cagta ee loo yaqaan (Salaxa) kadib markii muddooyinkii dambe ay wadeen xiriiro kala duwan oo ay la sameynayeen Milkiilayaasha goobaha lagu ciyaaro Kubadda Cagta.

Horay Shabaab waxa ay u xireen goobo lagu Ciyaaro Kubadda Cagta oo ku yaallo Degmooyinka, Dayniile, Yaaqshiid, Kaxda Iyo Heliwaa, haddana waxa ay amaro dul dhigeen goobaha lagu ciyaaro Kubadda Cagta ee ku dhaw xayndaabka wadada Maka Al-Mukarama.