Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mohamed H. Shire, ayaa maanta si rasmi ah u furay aqoon-isweydaarsi socon doona muddo saddex maalmood ah, kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa warbaahinta iyo hay’adaha amniga.
Aqoon-isweydaarsigan ayaa waxaa ka qeyb galaya masuuliyiin ka socota hay’adaha amniga, saxafiyiin, tifaftirayaal, afhayeenno iyo saraakiisha isgaarsiinta ee hay’adaha dowladda, kuwaas oo si wadajir ah uga doodaya sidii loo xoojin lahaa kalsoonida shacabka, loo horumarin lahaa isgaarsiinta amniga, loogana hortagi lahaa faafitaanka wararka been-abuurka ah iyo marin-habaabinta xogta.
Khudbaddii furitaanka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi dhow oo u dhexeeya warbaahinta iyo hay’adaha amniga, si loo xaqiijiyo in bulshada la gaarsiiyo xog sax ah oo la isku halleyn karo, loona kordhiyo wacyiga bulshada ee ku aaddan arrimaha amniga qaranka.
Sidoo kale, Agaasimaha ayaa xusay in warbaahinta iyo hay’adaha amnigu ay wadaagaan mas’uuliyad muhiim ah oo ku saabsan ilaalinta xasilloonida bulshada iyo ka hortagga wararka marin-habaabinta ah ee dhaawici kara amniga iyo kalsoonida shacabka.
Inta uu socdo aqoon-isweydaarsigan saddexda maalmood ah, ka qaybgalayaasha ayaa si qoto dheer u falanqeyn doona mowduucyo ay ka mid yihiin anshaxa warbaahinta, hubinta saxnaanta xogta (fact-checking), maaraynta isgaarsiinta xilliyada qalalaasaha (crisis communication), iyo hababka lagu xoojin karo wada-shaqeynta joogtada ah ee warbaahinta iyo hay’adaha amniga.
Ugu dambeyn, Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa sheegtay in kulanka noocan ah uu muhiim u yahay dhisidda kalsooni dhex marta dowladda, warbaahinta iyo shacabka, taas oo saldhig u ah amni waara iyo wacyigelin sax ah oo bulshada loo fidiyo.