Wasaaradda amniga oo Roobow ka hor istaagtay doorashada Koonfur Galbeed

Wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in Muqtaar Roobow uusan buuxin shuruudihii looga qaadi lahaa Cunaqabataynta Caalamiga ah ee saarnayd, taasina ay ka reebayso inuu isku soo sharaxo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Arrintan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii Roobow shalay uu tagay magaalada Baydhabo, islamarkaana uu ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka ka soo baxay wasaaradda amniga Soomaaliya:-

Wasaaradda amniga Qaranka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Muqtaar Roobow uusan buuxin shuruudihii looga qaadi lahaa Cunaqabataynta Caalamiga ah ee saarnayd, taasina ay ka reebayso inuu isku soo sharaxo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaarada amniga Gudaha Dowlada Federaalku Iyadoo ka duulaysa xilka iyo waajibaadka dastuurka ku meel gaarka ah u igmaday gaar ahaan La-socodka xaaladaha amni ee wadanka iyo Dabagalka heshiisyadii horey loola galay hay’adaha caalamka kuna salaysan iskaashiga iyo wadashaqaynta amniga guud ee dalka, deriska iyo caalamkaba.

Hadaba, Wasaarada Amniga Guduhu iyadoo gudanaysa waajibaadkeedaka fulinaysana go’aanki madaxwaynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya cafiska ugu fidiyey dhammaan horjoogayaasha iyo xubnaha ka tirsan ururada argagixisada ah ee ku sugan wadanka gudahiisa, waxay dadaal dheer u gashay sidi looga miro dhalin lahaa cafiska Madaxwaynahu ku dhawaaqay.

Talaabooyinka ay Wasaardu qaaday waxa ka mid ah, heshiiski ay la gashay bulshada caalamka ee lagu (hakiyey) xayiraadi saarnayd Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur), hase ahaatee ay shuruudo ku xirnaayeen in dhamaan laga wada qaado cunaqabatayntii saarnayd, sida, xayiraada dhaqdhaqaaqa, xayiraada boliska caalamka iyo xayiraada dhinaca dhaqaalaha.

Sidaas darteed, Wasaarada Amnigu iyadoo tixraacaysa heshiisyada ay la gashay beesha caalamka ee la dagaalanka argagixisada, tix gelinaysana xuquuqda muwaadinku u leeyahay inuu xil isu soo taago waxay cadaynaysaa in aanu Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur) buuxin, fulina shuruudihi lagaga qaadayey dhammaan cuna qabataynta aan soo sheegnay welina ay saaran yihiin cunaqabataynti dowladaha caalamku saareen.

Taasina ay ka reebayso tartanka doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka koonfur Galbeed.

Ugu dambayn, Wasaaradda Amniga Dowlada Federaalku waxay ku wargelinaysa Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed dhamaan asbaabaha aan kor kuso xusnay ee ku saabsan dooroshooyinka soo socda.