Wasaaradda Amniga oo sheegtay in la qabtay rag dil ka geystay Muqdisho

Muqdisho-GNNFM- Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay rag hubeysan oo Askari ka tirsanaa Ciidanka Dowladda Federaalka duhurnimadii shalay ku dilay Isgoyska Baar-ubax oo ku dhow Agagaarka Masjidka Xareed.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga C/casiis (Xildhibaan) oo la hadlay warfidiyeenka ayaa sheegay ragga dilka ka dambeeyay in ay ahaayeen Shan nin, laamaha amnigana durbadiiba ay u suuragashay in ay gacanta ku dhigaan Saddex ka mid ah raggaasi.

Wuxuu ku goodiyay Afhayeenka in ay baxsadeen labada nin ee kale balse Ciidamada ammaanka ay ku baxeen oo ay ku daba jiraan, si deg deg ahna gacanta loogu soo dhigi doono.

Wuxuu sheegay qabashada raggan in ay ku suuragashay xog ay ka heleen shacabka, kadibna ay ku baxeen Ciidamo Dowladda Federaalka ka tirsan oo aaggaasi aanan ka fogeyn, sidaasina gacanta loogu soo dhigay.

Sidoo kale C/casiis (Xildhibaan) Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa sheegay raggan in hada ay ku jiraan mid ka mid ah xabsiyada ku yaalla magaalada Muqdisho, si deg deg ahna sharciga loo horkeeni doono, si loo marsiiyo ciqaabta dambigii ay galeen.

“Sida aad la socotaan laamaha amniga waxa ay ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan Saddex ka mid ah Shan nin oo Askari ka tirsanaa Ciidamada Soomaaliya ku dilay Agagaarka Carwo Iidka, Ciidamada kama fogeyn goobta uu dilka ka dhacay, raggan waxa ay ku jiraan gacanta Hay’adaha ammaanka.” Ayuu yiri C/casiis (Xildhibaan).

Idaacadda Andalus ee ku hadasha Afka Shabaab ayaa sheegtay rag hubeysan oo Shabaab ka tirsan in ay shalay dil ka geysteen degmamada Howlwadaag iyo degaanka Daarusalaam, raggaasina ay si nabad gelyo ah goobta uga baxsadeen.

Inta badan waxaa la maqlaa rag ayaa dil geystay, Hay’adaha ammaanka ayaa gacanta ku soo dhigay, balse lama arko oo warbaahinta looma soo bandhigo run ahaanshaha in gacanta lagu soo dhigay raggii dilka geystay, iyada oo aanay jirin cid wax iska weydiisa, oo halkaasi looga sii socdo.