Wasaaradda Amniga Oo War ka Soo Saartay Hubkii Lagala Baxay Xerada Gen,Golden Ee Muqdisho Lagu Iibinayay

Ilaa iyo shalay, waxaa baraha bulshada heystay war ay qortay wakaaladda wararka Reuters oo sheegayay in hub lagala baxay xeradii Imaaraadku uu ku tababari jiray ciidamada. Hubkaasi, ayay sida Reuters qortay lagu iibsanayay suuqyada magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Cabdi CAsiis Cali Ibraahim xildhibaan oo la hadlayay Idaacada Voa-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa shegay in warkaas ay qoreen Warbaahinada uusan aheyn mid wax ka jira,isla markaana la eben abuuray.

Waxa uu sheegay in aan wa cadeyn ah loo heyn in hubkaas uu yahay midkii la sheegayay in lagala baxay Xarunta Dugsiga tababarka Gen,Golden oo ay Imaaraadka Ciidamo ka tirsan Dowladda wax ku tababari jireyn.