Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Beenisay Warar ku Saabsan Eryidda Safiirka Imaaraadka Carabta

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga walaacsan faafinta warar aan sal iyo raad toona lahayn, iyo eedeymo been abuur ah oo lagu baahiyay qaar ka mid ah warbaahinta iyo baraha bulshada, kuwaas oo si khaldan u sheegay in la gaaray go’aan lagu eryayo Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya.

Wasaaraddu waxay si cad oo adag u beeninaysaa sheegashooyinkan, iyadoo ku tilmaamtay kuwo gebi ahaanba aan waxba ka jirin oo aan ku dhisnayn xaqiiqooyin dhab ah. Waxa ay carrabka ku adkaynaysaa in xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta uu yahay mid wanaagsan oo ku dhisan iskaashi, is-ixtiraam iyo dano wadaag.

Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxay ugu baaqaysaa dhammaan hay’adaha warbaahinta, suxufiyiinta, iyo isticmaalayaasha baraha bulshada inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, saxnaan iyo xirfadnimo marka ay faafinayaan wararka, isla markaana ay ku tiirsanaadaan ilo rasmi ah oo la hubiyay si looga fogaado marin-habaabinta bulshada.

Wasaaraddu waxay sidoo kale ka digaysaa khatarta ay leedahay faafinta warar aan la hubin, kuwaas oo dhaawici kara sumcadda dalka, isla markaana wiiqi kara xiriirka diblomaasiyadeed ee muhiimka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka kale, gaar ahaan dalalka Carabta ee ay wadaagaan xiriir taariikhi ah iyo iskaashi dhow.

Ugu dambeyn, Wasaaradda waxay ku celinaysaa muhiimadda ay leedahay ilaalinta mas’uuliyadda warbaahinta iyo doorka ay ku leedahay dhismaha kalsoonida bulshada, iyadoo mar kale caddeyneysa in wixii warar rasmi ah lagu kalsoonaan karo laga heli karo kanaallada rasmiga ah ee dowladda.