Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar Cali (Balcad), ayaa xarunta Wasaaradda ku soo bandhigay muxaadaro ballaaran oo si qoto dheer uga hadleysay xaaladda diblomaasiyadda Soomaaliya, guulaha laga gaaray siyaasadda arrimaha dibadda iyo waxqabadka muhiimka ah ee Wasaaradda intii lagu jiray afartii sano ee la soo dhaafay.
Muxaadaradan, oo uu soo qabanqaabiyay Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayaa qeyb ka ahayd dadaallada joogtada ah ee lagu horumarinayo aqoonta diblomaasiyadda, kobcinta xirfadaha howl-wadeennada dowladda, iyo sare u qaadidda fahamka bulshada ee ku aaddan doorka diblomaasiyadda ee horumarka, amniga iyo difaaca danaha qaranka.
Waxaa munaasabadda ka qeyb galay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda, agaasimayaasha waaxyaha kala duwan, diblomaasiyiin, shaqaalaha Wasaaradda, mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, cilmi-baarayaal, iyo arday ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo Jaamacadda Muqdisho, kuwaas oo si dhow ula socday warbixinta iyo falanqeynta laga jeediyay madasha.
Intii uu socday bandhigga, Wasiiru-dowlaha ayaa si faahfaahsan u sharaxay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay xoojinta xiriirrada laba geesoodka ah iyo kuwa dhinacyada badan, isagoo tilmaamay in dowladda ay mudnaan gaar ah siisay ballaarinta iskaashiga ay la leedahay dalalka saaxiibka ah iyo hay’adaha caalamiga ah. Wuxuu xusay in dadaalladaasi ay horseedeen kororka taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya ka hesho dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha, maalgashiga iyo dib-u-dhiska hay’adaha dowladda.
Sidoo kale, muxaadarada waxaa lagu iftiimiyay guulaha laga gaaray diblomaasiyadda dhaqaalaha, iyadoo Wasaaraddu xoogga saartay soo jiidashada maalgashiga shisheeye, dhiirrigelinta iskaashiga ganacsi iyo kobcinta fursadaha dhaqaale ee Soomaaliya. Waxaa la tilmaamay in diblomaasiyadda casriga ahi aysan ku koobneyn oo keliya xiriirrada siyaasadeed, balse ay laf-dhabar u tahay horumarinta dhaqaalaha, shaqo-abuurka iyo kor u qaadidda adeegyada bulshada.
Mudane Cali Maxamed Cumar Cali (Balcad) ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in dowladda ay si joogto ah uga shaqeysay ilaalinta madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo sheegay in arrimahaasi ay yihiin mudnaanta koowaad ee siyaasadda arrimaha dibadda. Wuxuu xusay in Soomaaliya ay si firfircoon uga qeyb qaadatay shirarka iyo madalaha caalamiga ah, taasoo sare u qaadday sumcadda iyo kaalinta dalka ee heer gobol iyo heer caalami.
Dhanka kale, wuxuu sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay dadaal weyn gelisay horumarinta adeegyada qunsuliyadaha, daryeelka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dibadda ku nool, iyo xoojinta xiriirka ay dowladda la leedahay qurba-joogta Soomaaliyeed, kuwaas oo door muhiim ah ka qaata horumarka dalka iyo kobaca dhaqaalaha.
Ka qeybgalayaashii muxaadarada ayaa su’aalo iyo dood furan la yeeshay Wasiiru-dowlaha, iyagoo ka aragti dhiibtay caqabadaha iyo fursadaha horyaalla diblomaasiyadda Soomaaliya. Waxaa sidoo kale la isla gartay muhiimadda ay leedahay in jiilka cusub lagu dhiirrigeliyo barashada cilmiga diblomaasiyadda iyo ka qeyb qaadashada horumarinta siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka.
Gabagabadii, kulanka ayaa lagu adkeeyay sida ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah uga go’an tahay hirgelinta mudnaanta siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, xoojinta iskaashiga caalamiga ah, difaaca danaha qaranka iyo taageeridda dadaallada lagu xaqiijinayo nabad waarta, xasillooni siyaasadeed iyo horumar loo dhan yahay, iyadoo la sii wadi doono barnaamijyada aqoon-is-weydaarsiyada iyo muxaadarooyinka lagu kobcinayo tayada diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha dowladda.