Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo tababar ku saabsan xasaanadda diblomaasiyadeed u furtay hay’adaha amniga

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Aadan Xaadoow, oo ay weheliyaan agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda, ayaa maanta daah-furay tababar ku saabsan mudnaanta iyo xasaanadda diblomaasiyadeed, kaas oo loogu talagalay hay’adaha amniga Soomaaliya.

Tababarka oo soconaya muddo saddex maalmood ah, isla markaana uu bixinayo Machadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayaa waxaa ka qaybgalaya mas’uuliyiin ka socda Waaxda Dembi-baarista (CID), Ciidanka Taraafikada, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA), Wasaaradda Amniga Gudaha, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo hay’adaha kale ee amniga dalka.

Tababarka ayaa diiradda lagu saarayaa ilaalinta xuquuqda, mudnaanta iyo xasaanadaha diblomaasiyadeed ee uu dhigayo Heshiiska Vienna ee Xiriirka Diblomaasiyadeed, gaar ahaan kuwa ay leeyihiin diblomaasiyiinta ajnabiga ah ee ka howlgala Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa lagu baranayaa waajibaadka Soomaaliya ka saaran ilaalinta iyo dhowrista xuquuqda iyo xasaanadaha diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka howlgala dalalka kale.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegay in dhowrista mudnaanta iyo xasaanadaha diblomaasiyadeed ay muujinayso kaalinta Soomaaliya ku leedahay bulshada caalamka, isagoo xusay in fahamka arrimahaasi uu muhiim u yahay xoojinta xiriirrada diblomaasiyadeed, iskaashiga caalamiga ah iyo ilaalinta danaha Soomaaliya.

Tababarkan ayaa sidoo kale qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wada shaqeynta Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo hay’adaha amniga, si loo hubiyo in si sax ah loo fahmo loona dabaqo xeerarka iyo waajibaadka caalamiga ah ee la xiriira howlaha diblomaasiyadda.