Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS iyo Xafiiska Amniga Qaran ayaa si wadajir ah u guddoomiyey kulanka Dano Bulsho oo ah madal isku keenta dhinacyada amniga iyo xasilinta si loo xoojiyo wada-shaqeynta iyo isku-duwidda howlaha ka socda deegaannada la xoreeyay iyo kuwa nugul.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta XFS mudane Abdulkadir Ali oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay ahmiyadda muhiimadda in isla jaanqaadaan howlaha amniga iyo Xasillinta, si loo helo natiijooyin waxtar leh oo ku saleysan baahiyaha dhabta ah ee bulshada.
Intii lagu guda jiray kulanka, waxaa si gaar ah loo falanqeeyay xaaladda Gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan aagga Sabiid–Awdheegle, halkaas oo ay weli ka jiraan baahiyo degdeg ah. Waxaa la soo bandhigay taageerada la gaarsiiyay bulshada, oo ay ka mid yihiin gargaar degdeg ah, dib-u-dhis guryo burburay, barnaamijyo xoojinaya ka-qaybgalka bulshada iyo taageerada maamullada deegaanka.
Sidoo kale, Wasaaraddu dhanka Shabeellaa hoose waxay fududeysay qiimeyn baahiyo oo lagu ogaanayo mudnaanta taagan taasi oo muujisay baahi degdeg ah oo ku saabsan dib-u-dhiska guryihii ay burburiyeen Al-Shabaab, iyadoo saaxiibbada qaarkood ay durba bilaabeen ka jawaabista arrintaas.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta XFS waxay mar kale xaqiijineysaa doorkeeda hoggaamineed ee isku-duwidda dadaallada xasilinta, iyada oo ka shaqeynaysa hannaan dowladeed oo mideysan, si wax looga qabto baahiyaha bulshada loona xoojiyo nabadda iyo dowlad-dhisidda dalka.