Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Daah-furtay Kulan Lagu Xoojinayo Dadaallada Nabad-dhisidda iyo Dib-u-heshiisiinta

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane C/qaadir Cilmi, ayaa si rasmi ah u furay kulan farsamo oo lagu falanqeynayo khibradaha laga bartay isku xirka dadaallada nabad-dhisidda iyo doorka dhex-dhexaadiyeyaasha, kaas oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dhismaha Shabakad Soomaaliyeed oo lagu magacaabo National Insider Peacebuilders, Mediators and Nabadoons Network, taas oo loogu talagalay inay xoojiso kaalinta nabadoonnada, culimada, aqoonyahannada iyo bulshada rayidka ah ee ka shaqeeya nabad-dhisidda iyo dib-u-heshiisiinta dalka.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay culimo, aqoonyahanno ku takhasusay arrimaha nabad-dhisidda, wakiillo ka socday hay’adaha dowladda, United Nations Development Programme iyo Berghof Foundation, kuwaas oo ka wada hadlay sidii loo abuuri lahaa hannaan mideysan oo lagu xoojinayo ka-qaybgalka bulshada ee geeddi-socodyada nabadda iyo dib-u-heshiisiinta.

Intii uu kulanku socday, waxaa la falanqeeyay casharrada laga bartay dadaalladii hore ee nabad-dhisidda, caqabadaha jira iyo fursadaha lagu horumarin karo wada-shaqeynta u dhexeysa dowladda, bulshada iyo hay’adaha taageera nabadda. Ka qeybgalayaashu waxay si gaar ah u adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la helo shabakad qaran oo isku xirta nabadoonnada iyo dhex-dhexaadiyeyaasha Soomaaliyeed si ay door muuqda uga qaataan xalinta khilaafaadka iyo xoojinta wadajirka bulshada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane C/qaadir Cilmi, ayaa sheegay in dhismaha shabakaddan uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu taageerayo geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta iyo nabadeynta dalka, isagoo xusay in dowladda ay ka go’an tahay in la xoojiyo wada-shaqeynta dhammaan dhinacyada ka shaqeeya nabadda.

Kulanka ayaa la filayaa inuu horseedo talooyin iyo qorshayaal wax ku ool ah oo lagu dhisayo iskaashi waara, laguna xoojinayo dadaallada lagu gaarayo nabad waarta, isku duubni bulsho iyo dib-u-heshiisiin dhab ah oo ka hanaqaadda guud ahaan Soomaaliya.