Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Dardargelinaysa Horumarinta Adeegyada Diiwaangelinta Madaniga

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh) ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Agaasinka Guud ee Adeegyada Dad-dhigidda iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga, isagoo warbixin faahfaahsan ka dhageystay howlaha iyo adeegyada ay hay’addu u qabato bulshada Soomaaliyeed.

Warbixinta ayaa diiradda lagu saaray horumarka laga sameeyay adeegyada dad-dhigidda iyo diiwaangelinta xaaladaha madaniga, kuwaas oo muhiim u ah sugidda xogta saxda ah ee muwaadiniinta iyo qorsheynta adeegyada dowladda. Agaasinka ayaa sidoo kale wasiirka la wadaagay dadaallada socda ee lagu xoojinayo nidaamyada diiwaangelinta dhalashada, dhimashada, guurka iyo dhacdooyinka kale ee madaniga ah, si loo helo xog lagu kalsoonaan karo oo ka tarjumaysa xaaladaha bulshada.

Intii uu kulanku socday, waxaa si gaar ah looga hadlay muhiimadda ay leedahay isku xirka howlaha la xiriira dad-dhigidda iyo tirakoobka xaaladaha madaniga, iyadoo la adeegsanayo hannaan casri ah oo fududeynaya adeeg bixinta iyo keydinta xogta muwaadiniinta. Sidoo kale, waxaa la isla gartay in sare loo qaado wacyigelinta bulshada si ay uga faa’iideystaan adeegyada diiwaangelinta madaniga ah, maadaama ay door muhiim ah ka qaataan xaqiijinta xuquuqda muwaadiniinta iyo helitaanka adeegyada dowladda.

Wasiir Cali Xoosh ayaa bogaadiyay shaqada iyo dadaallada ay wadaan mas’uuliyiinta iyo howl-wadeennada Agaasinka Guud ee Adeegyada Dad-dhigidda iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga. Wuxuu tilmaamay in adeegyadani ay laf-dhabar u yihiin dhismaha dowladnimo casri ah oo ku dhisan xog sax ah, isla markaana kaalin weyn ka qaata qorsheynta horumarka dalka iyo gaarsiinta adeegyada bulshada.

Wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay dardargelinta dhaqangelinta Sharciga Dad-dhigidda iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga, isagoo xusay in sharcigani uu saldhig u yahay horumarinta nidaamka maamulka dadweynaha iyo xaqiijinta in muwaadin kasta helo aqoonsi iyo diiwaangelin rasmi ah. Waxa uu sidoo kale ku boorriyay agaasinka inay sii xoojiyaan dadaallada lagu horumarinayo tayada adeegyada iyo fidintooda si ay u gaaraan dhammaan bulshada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa muujiyay sida ay dowladda uga go’an tahay taageeridda hay’adaha ka shaqeeya adeegyada dad-dhigidda iyo tirakoobka xaaladaha madaniga, si loo helo nidaam hufan, casri ah oo ka jawaaba baahiyaha muwaadiniinta Soomaaliyeed.