Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Dib u Eegis ku Samaysay Waxqabadka Saddexdii Bilood ee Ugu Horreeyay Sanadka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, ayaa guddoomiyay kulanka bilaha ah ee Wasaaradda, kaas oo ka mid ah shirarka joogtada ah ee lagu xoojinayo isku xirka iyo wada-shaqeynta qaybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Agaasimayaasha waaxeedyada, Madaxda Qaybaha iyo La-taliyeyaasha Wasaaradda, kuwaas oo si wadajir ah uga dooday horumarinta howlaha shaqo iyo dardargelinta qorshayaasha hortabinta u leh Wasaaradda. Ujeeddada ugu weyn ee kulanka ayaa ahayd in la mideeyo jihada shaqo, lana hubiyo in dhammaan waaxyaha Wasaaraddu ay si hufan oo isku xiran u fuliyaan waajibaadkooda.

Intii uu kulanku socday, waxaa si qoto dheer loo falanqeeyay dib u eegista waxqabadka saddexdii bilood ee ugu horreeyay sanadka, iyadoo la eegay guulaha la gaaray iyo caqabadaha jira. Sidoo kale, waxaa la isku raacay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo nidaamyada gudaha ee Wasaaradda si kor loogu qaado hufnaanta shaqada iyo tayada adeegyada la siiyo bulshada.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu gorfeeyay hortabinnada muhiimka ah ee Wasaaradda, kuwaas oo ay ka mid yihiin xoojinta nidaamka isla xisaabtanka, hagaajinta maamulka xogta, iyo dardargelinta adeegyada ku aaddan arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta. Mas’uuliyiinta ayaa si gaar ah u adkeeyay in isla xisaabtanku uu yahay tiir muhiim u ah horumarinta hay’ad kasta oo dowladeed.

Abdulkadir Ali ayaa ku booriyay dhammaan ka qeybgalayaasha in ay sii xoojiyaan dadaalka shaqo, isla markaana ay ka shaqeeyaan sidii Wasaaraddu u noqon lahayd mid tusaale u ah hufnaanta iyo waxqabadka wanaagsan. Waxa uu sidoo kale xusay in iskaashi buuxa oo dhex mara dhammaan waaxyaha uu yahay furaha lagu gaari karo natiijooyin wax ku ool ah.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya waxay sheegtay in ay sii wadi doonto dadaallada lagu horumarinayo nidaamka shaqo, loona xoojinayo doorkeeda ku aaddan nabadda, xasilloonida iyo dowlad wanaagga guud ahaan dalka, si loo xaqiijiyo adeegyo tayo leh oo bulshada Soomaaliyeed ay si buuxda uga faa’iideystaan.