Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Ka Hadashay Colaadaha Sokeeye ee Dalka Ka Socda.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war kasoo saartay dagaallada iyo dilalka aanooyinka ee kusoo kordhay qaar kamid ah gobollada dalka.

Wasaaraddu waxay si adag u cambaareysay colaadaha sokeeye ee ka hor imaanaya diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, waxayna ugu baaqday in si shuruud la’aan ah loo joojiyo colaadaha iyo beegsiga shacabka.

Hay’adaha amniga Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad-Goboleedyada ayay ugu baaqday in ay si adag uga hortagaan cid kasta oo hurinaysa ama ku lug leh falalkaas.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay codsi u dirtay odoyaasha dhaqanka, culimada, haweenka iyo bulshada rayidka, si ay doorkooda uga qaataan daminta colaadaha iyo ka shaqeynta xasilloonida.

“Waa waajib qaran iyo mid diini ah in la joojiyo colaadaha, lana ilaaliyo midnimada shacabka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Wasaaradda.