Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Xoojisay Qorshaha Amniga iyo Ka Jawaabista Fatahaadaha El Niño

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cabdulqaadir Cali, ayaa guddoomiyay kulanka billaha ah ee amniga iyo xasillinta, kaas oo ay ka soo qaybgaleen mas’uuliyiin ka socotay hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo bah-wadaagta caalamiga ah. Kulankan ayaa ujeeddadiisu ahayd xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta dhinacyada amniga, xasillinta iyo u-diyaargarowga caqabadaha bani’aadantinimo ee dalka ka jira.

Shirka ayaa lagu falanqeeyay horumarka laga sameeyay dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo dib-u-soo kabashada deegaannada laga xoreeyay kooxaha hubeysan, iyadoo la isku dhaafsaday warbixinno ku saabsan qorshayaasha dowladda ee lagu dardargelinayo adeegyada aasaasiga ah, dib-u-dhiska maamulka iyo kor u qaadidda xasilloonida bulshada.

Intii uu kulanku socday, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray saadaasha fatahaadaha la xiriira El Niño ee la filayo inay saameyn ku yeeshaan dooxooyinka wabiyada Jubba iyo Shabeelle. Ka qaybgalayaasha ayaa ka wada hadlay heerka diyaar-garowga hay’adaha dowladda iyo sida loo xoojin karo qorshayaasha ka hortagga iyo ka jawaabista fatahaadaha, si loo yareeyo khasaaraha ka dhalan kara.

Mas’uuliyiinta iyo bah-wadaagta ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay in la diyaariyo qorshe mideysan oo lagu wajaho xaaladaha degdegga ah, lana xoojiyo iskaashiga u dhexeeya dowladda dhexe, dowlad-goboleedyada, hay’adaha gargaarka iyo ururrada caalamiga ah. Waxaa sidoo kale la isla meel dhigay in la dedejiyo qorsheyaasha digniinta hore, gurmadka degdegga ah iyo gaarsiinta adeegyada bulshada ku nool meelaha halista ugu badan ugu jira fatahaadaha.

Kulanka waxaa lagu adkeeyay in iskaashi dhow uu muhiim u yahay xaqiijinta amniga iyo xasilloonida dalka, gaar ahaan xilliyada ay jiraan caqabado is biirsaday oo ay ka mid yihiin amniga, isbeddelka cimilada iyo baahiyaha bani’aadantinimo. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay sii wadidda wada-shaqeynta ay la leedahay bah-wadaagta caalamiga ah si loo hirgeliyo qorshayaal waara oo lagu xoojinayo xasilloonida, loogana hortagayo saameynta fatahaadaha iyo masiibooyinka kale ee dabiiciga ah.

Kulanka billaha ah ee amniga iyo xasillinta ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku mideyneyso hay’adaha kala duwan iyo saaxiibbada caalamiga ah, si loo xaqiijiyo amni waara, loo xoojiyo maamulka rayidka ah, loona yareeyo saameynta ay masiibooyinka dabiiciga ahi ku yeeshaan bulshada Soomaaliyeed.