Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya oo ka qeybgalay Carwada Qalabka iyo Tiknolojiyadda Beeraha

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya ayaa ka qeybgalay bandhig ballaaran oo ku saabsan Carwada Qalabka iyo Tiknolojiyadda Beeraha, taas oo si weyn loogu soo bandhigay qalab casri ah iyo farsamooyin cusub oo kor u qaadaya wax-soo-saarka beeraha dalka.

Bandhiggan ayaa lagu soo bandhigay teknoolojiyad horumarsan oo ay ka mid yihiin mashiinnada beerista, nidaamyada waraabka casriga ah, qalabka bacriminta, iyo xalal cusub oo lagu yareynayo khasaaraha wax-soo-saarka beeraha. Ujeeddada bandhiggan ayaa ahayd in beeraleyda Soomaaliyeed lagu dhiirrigeliyo isticmaalka tiknoolojiyadda si loo kordhiyo wax-soo-saarka loona gaaro isku filnaansho cunto.

Waxaa bandhigga si weyn uga soo qeybgalay ganacsato, beeraley, qaar ka mid ah bangiyada dalka, ardayda barata cilmiga beeraha, iyo iskaashatooyin kala duwan oo ka kala yimid Caasimadda iyo gobollada dalka. Ka qeybgalayaasha ayaa fursad u helay inay si toos ah u arkaan, u tijaabiyaan, una fahmaan qalabka iyo teknoolojiyadda cusub ee lagu horumarin karo wax-soo-saarka beeraha.

Beeraleyda ka qeybgalay bandhigga ayaa si weyn u soo dhaweeyay qiimo dhimista ay sameeyeen shirkadaha soo bandhigay qalabka beeraha, taas oo ay ku tilmaameen fursad muhiim ah oo ka caawin karta inay si fudud u helaan agabka ay u baahan yihiin. Waxa kale oo ay sheegeen in tani ay yareyn doonto caqabadihii hore uga jiray helitaanka qalab casri ah oo wax-soo-saar kordhin kara.

Dhanka kale, bangiyada iyo hay’adaha maalgelinta ee ka qeybgalay ayaa ballanqaaday inay door muuqda ka qaadan doonaan fududeynta helitaanka maalgelin iyo deymo gaar ah oo loo sameeyo beeraleyda, si ay u awoodaan inay iibsadaan qalabka casriga ah. Waxay sidoo kale sheegeen inay diyaarin doonaan nidaamyo maaliyadeed oo fududeynaya in beeraleydu ay maalgashadaan beerahooda.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ayaa sheegtay in bandhiggan uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo casriyeynta waaxda beeraha, isla markaana lagu dhiirrigelinayo iskaashi dhex mara dowladda, ganacsatada, bangiyada iyo beeraleyda, si loo gaaro horumar waara iyo sugnaanta cuntada dalka.