Wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta oo ka jawaabtay hadal ka soo baxay Somaliland

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay waxa ay kaga jawaabtay hadal shalay ka soo baxay Maamulka Somaliland, kaasi oo ahaa in Somaliland ay degaanadeeda ka mamnuucday furaha Astaanta Qaran ee Internetka (dotSO).

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa 9-kii bishan si rasmi ah ula soo wareegtay Astaanta Qaranka ee Internetka Soomaaliya (dotSO) oo ay maamuli jirtay hay’ad ka madax banaan Dowladda, balse wixii hadda ka dambeeya lagu soo wareejiyay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo masuul ka ah maamulka Astaanta qaranka sida uu qorayo qodobka 54-aad ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka.

Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda ayaa u qornaa sidan:-

Guul weyn oo taariikhi ah ayay inoo tahay in maamulka astaanta internetka ee Soomaaliya ay la wareegto Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, oo sidoo kale maamuli doonta isticmaalka furaha taleefoonka (252), oo labaduba ah hanti qaran.

Soomaali kasta oo ku nool Jamhuuriyadda wuxuu xaq u leeyahay inuu adeegsado furaha taleefoonka (252) iyo kan internet-ka (.so). Waxaa sidoo kale xaq u leh qof, shirkad, ama hay’ad kasta oo dalka ka hawl gasha. Waa calaamad muujineysa juquraafi ahaan iyo aqoonsi ahaanba halka aad ku nooshahay, ka diiwaan gashan tahay ama ka shaqeyso.

Astaanta interntka waxaa si gaar ah ugu baahan shirkadaha, jaamacadaha iyo ururrada waddaniga ah, si ay u muujiyaan inay ka dhisan yihiin Soomaaliya iyo xaaladda diiwaangelin ee ay dalkaasi ka haystaan haddii ay tahay .edu.so, org.so, iwm. DotSO waxaa maanta laga isticmaalaa adduunka oo dhan, in laga hor istaago qeybo ka mid ah dadkii Soomaaliyeed ee xaqa u lahaana waa go’aan aan u adeegeynin danaha dadka, shirkadaha, hay’adaha iyo jaamacadaha Soomaaliyeed, waayo waxay halkaas ku weynayaan in la aamino iyo in ay wax la qabsan karaan shirkadaha, hay’adaha iyo jaamacadaha kale ee dhiggooda ah.

DotSO waa hanti qaran oo uu wax ku leeyahay Soomaali kasta, inuu fa’iideystana waa mid ka mid ah xuquuqaha muwaadinka. Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada waxaan diyaar u nahay inaan fududeyso sidii dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan ay uga faa’ideysan lahaayeen adeeggan, waxaana dhowaan soo bandhigi doonna qorshe ballaaran oo la xiriira ka faa’iideysiga Astaanta dotSO.