Wasaaradda Caafimaadka iyo ICRC oo Xarun Caafimaad u Furtay Maxaabiista Xabsiga Dhexe

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kaashaneysa Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka iyo Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah (ICRC), ayaa maanta xarigga ka jartay xarun caafimaad oo cusub oo loogu talagalay daryeelka maxaabiista ku xiran Xabsiga Dhexe ee Muqdisho.

Xaruntan caafimaad ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka dalka, gaar ahaan kuwa loo fidinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku jira xarumaha asluubta, si loo xaqiijiyo inay helaan daryeel caafimaad oo tayo leh, joogto ah, isla markaana waafaqsan xuquuqdooda aasaasiga ah.

Munaasabadda xarig-jarka waxaa ka qeyb galay masuuliyiin sare oo ka socday Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Cadaaladda, Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo Hay’adda ICRC. Mas’uuliyiinta ka qeyb galay waxaa ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin, Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha, Shaqada iyo Tababarada ee Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Fartuun Shariif, Madaxa Caafimaadka Xabsiyada, Dr. Naciima Maxamed, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan (Xaamud), iyo madax ka socday Hay’adda ICRC.

Mas’uuliyiintii munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in xaruntan cusub ay wax weyn ka tari doonto tayeynta adeegyada caafimaadka ee maxaabiista, isla markaana ay ka qeyb qaadan doonto ilaalinta caafimaadkooda iyo xaqiijinta inay helaan adeegyo caafimaad oo joogto ah.

Waxay sidoo kale xuseen in xaruntu ay awood u yeelan doonto bixinta adeegyo kala duwan oo ay ka mid yihiin baaritaannada caafimaadka, daaweynta cudurrada, la-talinta caafimaadka, daryeelka degdegga ah iyo dabagalka xaaladaha caafimaad ee maxaabiista, taas oo sare u qaadi doonta tayada adeegyada caafimaad ee ka jira xarumaha asluubta.

Mas’uuliyiintu waxay carrabka ku adkeeyeen in xaruntan ay door muhiim ah ka qaadan doonto ka hortagga iyo xakamaynta cudurrada faafa ee ka dhex dhici kara xabsiyada, iyadoo sidoo kale gacan ka geysan doonta wacyigelinta caafimaadka iyo kor u qaadidda nadaafadda gudaha xarunta.

Hay’adda ICRC ayaa dhankeeda xaqiijisay inay sii wadi doonto taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya ee la xiriirta horumarinta adeegyada caafimaadka iyo ilaalinta xuquuqda maxaabiista, iyadoo kaashaneysa hay’adaha dowladda ee ay khuseyso.

Furitaanka xaruntan caafimaad ayaa ka tarjumaya dadaallada wadajirka ah ee u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo bah-wadaagta caalamiga ah ee lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka, laguna xaqiijinayo in dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan maxaabiistu, ay helaan daryeel caafimaad oo hufan, tayo leh, isla markaana waafaqsan heerarka caalamiga ah.