Wasaaradda Caafimaadka Oo Soo Dhaweysay Taageeradda Britain Ee Adeegyadda Caafimaadka

Wasiirada Caafimaadka iyo Adeegga Aadanaha ee DFS, Drs. Fowzia Abiikar Nuur waxay si diiran u soo dhaweysay Barnaamijka Dowladda Britain sare loogu qaadayo Caafimaadka iyo Nafaqeynta Somalia  ee SHINE.

Wasiir Fawzia oo ka hadashay Barnaamij ay Safaaradda Britain ee magaalladda Muqdisho ku daah-furtay Barnaamijka Caafimaadka iyo Nafaqeynta ayaa waxay sheegtay inay dareemayso Ka Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegga Aadanaha ee DFS Lahaanshaha Barnaamijka Caafimaadka iyo Nafaqeynta ee loo soo gaabiyo  SHINE.

Waxay intaasi ku dartay  inay Dowladda Britain, Waaxda Horumarinta Caalamiga UK (DFID)  iyo Mott Macdonald  ay hubaal ka dhigeen Xuquuqda Lahaanshaha Dowladda ee Barnaamijkaasi iyo ka-qeyb-qaadashadda iyo hubinta inay DFS tahay midda hoggaaminaysa qorsheynta iyo xaqiijinta Barnaamijkaasi.

“Waxaan ugu baaqayaa qeybaha kale ee aan wada-shaqeynta leenahay inay soo raacaan Dhabahaasi oo kale iyo inay cashar ka bartaan sida ugu wanaagsan ee wada-shaqeynta Dowladda, Milkiyadda iyo doorka Hoggaamineed ee Horumarinta Ajendaha” ayey tiri Wasiir Fawzia Abiikar Nuur.