Wasaaradda Caafimaadka XFS oo sheegtay in baaritaan lagu wado Dad aanay Dhammeystirneen Xirfaddooda Dhaqtarnimada

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Bulshadda Maxamed Xasan Bulaale ayaa sheegay in la xiray Dhaqaatiir isugu jirta Soomaali iyo Ajaanib oo ku shaqeysanayay Xirfado been abuur ah.

Baaris ay ku sameysay Hay’ad gaar ah oo Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada u qaabilsan dabagalka Goobaha Caafimaadka, Dhaqaatiirta iyo Adeegyada ay bixiyaan ayaa suuragelisay in lasoo qabto Dadkaan sida uu hadalka u dhigay Bulaale.

Dowladda ayuu sheegay in ay gacanta ku heyso kiisas kala duwan oo la xiriira Dad sheegtay in ay yihiin dhaqaatiir balse aanay lahayn aqoon ku filan ama heysan Shahaado muujineysa xirfadda ay sheeganayaan.

Magaalada Muqdisho waxaa sanadihii lasoo dhaafay kusoo kordhayay Goobaha Caafimaadka ee sida gaarka ah loo leeyahay kana howlgalayaan Dhaqaatiir Ajaanib ah & kuwo Soomaali ah waxaana Dadka qaar Su’aalo iska weydiinayeen heerka Wasaaradda ku shaqada leh gaarsiisan yahay ka warqabka iyo hubinta adeegyada ay bixiyaan Goobahaas & Dhaqaatiirtaas.