Wasaaradda Cadaaladda ee Mareykanka ayaa lagu wadaa inay laasho dacwadaha dambiga ee lagu soo oogay lataliyihii hore ee ammaanka qaranka dalkaas Michael Flynn.
Flynn ayaa waxa uu ka mid ahaa dad hore ula talinjiray Madaxweyne Donald Trump oo la maxkamadeeyay intii uu socday baaritaankii gaarka ahaa ee lagu sameeyay faragelinta Ruushka ee doorashada.
Waxa uu 2017 qiray inuu been FBI-da uga sheegay xiriirkii uu la lahaa safiirka Ruushka u fadhiyay waddanka Mareykanka.
Flynn ayaa waxa uu doonayay inuu ka laabto qirashadiisii hore.
Go’aanka wasaaradda cadaaladda ayaa sidoo kale imanaya xilli ay kiiskaasi dhaleeceeyeen Madaxweyne Donald Trump iyo taageerayaashiisa.
Flynn, oo ah janaraal howlgab ah, ayaa waxa uu xilkii uu ka hayay Aqalka Cad iska dhigay Febraayo 2017, todobaadyo un kaddib markii xilka madaxtinimada loo dhaariyay Madaxweyne Trump.
Isagoo ka falcelinayay go’aanka, ayuu Flynn waxa uu bartiisa Twitterka soo dhigay muuqaal uu kula jiro wiilka uu awowga u yahay oo ay leeyihiin “Cadaaladdu waa inay qofwalba gaartaa”. Khamiistiina, Mr Trump ayaa sheegay “inuu aad ugu faraxsanyahay Janaraal Flynn”.
Waxa uu aad u taageeri jiray Mr Trump intii uu socday ololihiisa doorashada 2016, walow uu markiisii hore muddo dheer soo ahaa Dimuqraadi.
Flynn ayaa waxa uu ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay ee uu madaxweynuhu magacaabay – markii Mr Trump uu maalmo un kaddib xil u magacaabay kaddib guushii doorashada.
Labada nin ayaa isku maandhaafay arrimo badan, oo ay ka mid yihiin in xiriir dhaw lala yeesho Ruushka, in dib loo bilaabo wadaxaajoodka Iiraan iyo sidii loogaga hortagi lahaa halista ka imanaysa maleeshiyaadka ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah.