Wasaaradda Cadaaladda oo Shaacisay Liiska Nootaayooyinka Sharciyeysan ee 2026

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) ayaa si rasmi ah ula wadaagaysa dadweynaha iyo dhammaan daneeyaasha liiska Nootaayooyinka sharciyeysan ee ka diiwaangashan Wasaaradda sannadka 2026, kuwaas oo si buuxda u maray habraacyada iyo shuruudaha sharci ee u degsan diiwaangelinta iyo aqoonsiga Nootaayooyinka dalka.

Nootaayooyinkan ayaa la siiyey oggolaansho rasmi ah oo ay ku bixin karaan adeegyada Nootaayada, kaddib markii ay buuxiyeen shuruudihii xirfadeed, aqooneed iyo kuwa sharci ee ay dejisay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka. Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda ee lagu xoojinayo nidaamka caddaaladda, korna loogu qaadayo kalsoonida bulshada ee adeegyada sharciyeed.

Sidoo kale, Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka waxay ku boorrinaysaa dhammaan muwaadiniinta, ganacsatada, hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahayba inay la macaamilaan oo keliya Nootaayooyinka si rasmi ah u diiwaangashan, kuwaas oo loo oggolaaday bixinta adeegyada Nootaayada inta lagu guda jiro sannadka 2026.

Wasaaraddu waxay sidoo kale xasuusinaysaa in adeegyada Nootaayada ay door muhiim ah ka qaataan xaqiijinta iyo sharciyeynta dukumentiyada kala duwan, sida heshiisyada, wakiillada, iyo qoraallada kale ee u baahan caddeyn sharci. Sidaa darteed, la macaamilka Nootaayooyinka diiwaangashan ayaa muhiim u ah ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo hubinta in dukumentiyada la diyaarinayo ay waafaqsan yihiin shuruucda dalka.

Ugu dambayn, Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka waxay mar kale ku adkaynaysaa daneeyaasha inay hubiyaan in Nootaayada ay la macaamilayaan ay ku jiraan liiska rasmiga ah ee Wasaaradda soo saartay, si looga hortago adeegyo aan sharciyeysnayn oo waxyeello u geysan kara bulshada.