Wasaaradda Cadaaladda Waqooyi Bari oo Soo Dhaweysay Ansixinta Dastuurka Soomaaliya

Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka ee dowlad-goboleedka Waqooyi Bari ayaa dhammaystirka Dastuurka Soomaaliya ku tilmaamtay horumar weyn oo laga gaaray xoojinta dowladnimada iyo dimuqraadiyadda dalka, iyadoo labada gole ee Baarlamaanka Federaalka ugu hambalyeysay dhammeystirka geeddi-socodka dastuurka Soomaaliya, kaasoo shalay lagu ansixiyay kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Cadaaladda ee Waqooyi Bari ayaa lagu sheegay in dastuurka Soomaaliya ee la dhammaystiray uu u furayo waddooyin cusub oo kor u qaadaya awoodaha dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada, iyadoo la eegayo sidii loo ilaalin lahaa nidaamka dowladnimo ee dalka. Waxa kale oo ay tilmaantay in dastuurku suurtogal ka dhigayo hirgelinta sharciyo iyo xeerar ku dhisan isla xisaabtan iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.

“Dhammaystirka dastuurku wuxuu fure u yahay xoojinta nidaamka Federaalka, kala caddaynta awoodaha dowladeed, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, iyo dhismaha dowlad ku shaqaysa mabaadi’da sarreynta sharciga iyo isla xisaabtanka,” ayaa lagu yiri bayaanka.