Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Axmed Yuusuf Xasan ayaa kulan la qaatay hoggaamiyeyaasha ururrada dhallinyarada, si loo xoojiyo wada shaqaynta, isfahamka, iyo doorka ay dhallinyaradu ku leeyihiin horumarinta arrimahooda, iyo u diyaar garowga xuska Maalinta Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku beegan 15-ka May.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaalka Wasaaradda ee lagu xoojinayo hoggaaminta ajandaha qaran ee horumarinta dhallinyarada, iyadoo mudnaanta la siinayo wadatashi, ka qaybgal dhab ah, iyo dhisidda iskaashi wax ku ool ah oo u dhexeeya Wasaaradda iyo ururrada dhallinyarada dalka.
Intii uu kulanku socday, waxaa la is dhaafsaday fikrado la xiriira sida ugu habboon ee maalintaas looga dhigi karo madal kor u qaadda midnimada, wacyigelinta, iyo ka qaybgalka dhallinyarada Soomaaliyeed. Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Agaasimaha Waaxda Horumarinta Dhallinyarada Ayaan Cabdullahi iyo Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Maxamed Cali Siyaad.
Home Wararka Maanta Wasaaradda Dhallinyarada oo xoojinaysa wada-shaqeynta iyo diyaar-garowga 15-ka May