Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo Muqdisho ku qabatay kulan ku saabsan badbaadada waddooyinka

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qaban qaabisay kulan wadatashi ah oo muhiim ah, kaas oo diiradda lagu saaray badbaadada waddooyinka iyo maareynta saxmada gaadiidka. Kulankan ayaa lagu qabtay xarunta dhexe ee Wasaaradda ee degmada Shingaani, magaalada Muqdisho.

Kulankan muhiimka ah ayaa lagu falanqeeyay horumarinta nidaamka gaadiidka dalka, badqabka waddooyinka, iyo sidii loo yareyn lahaa saxmada sii kordheysa ee ka jirta caasimadda iyo guud ahaan dalka.

Kulanka waxaa si rasmi ah u daah-furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Mudane Cumar Cali Afrax, waxaana ka qeybgalay agaasime waaxeedyada iyo lataliyayaasha Wasaaradda, iyo sidoo kale masuuliyiin ka kala socday hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Hay’adaha ka qeybgalay waxaa ka mid ahaa Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Howlaha Guud, Wasaaradda Amniga Gudaha, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Taliska Taraafikada, iyo shirkadda Hornvista oo ka shaqeysa arrimaha gaadiidka iyo badbaadada waddooyinka.

Intii uu socday kulanka, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray wax ka beddelka lagu sameynayo sharciga waddo marista (Traffic Law Amendment), si loo helo nidaam casri ah oo la jaanqaadaya baahiyaha gaadiidka iyo xaaladda magaalada Muqdisho ee maanta.

Wasaaradda Gaadiidka ayaa kulanka ku soo bandhigtay aragti istaraatiiji ah oo ku dhisan saddex qodob oo muhiim ah:

In la sameeyo sharci iyo nidaam cad oo dhammaystiran, isla markaana si degdeg ah loo dhaqan geliyo.
In la xoojiyo iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha kala duwan ee ku shaqada leh badqabka iyo amniga waddooyinka.
In la kordhiyo wacyigelinta bulshada si loo abuuro mas’uuliyad guud oo ku saabsan isticmaalka waddooyinka iyo xeerarka gaadiidka.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu xusay xiriirka tooska ah ee ka dhexeeya badbaadada waddooyinka iyo horumarka guud ee dalka, iyadoo la tilmaamay in yareynta shilalka iyo hagaajinta nidaamka gaadiidka ay door weyn ka ciyaaraan kobaca dhaqaalaha, amniga bulshada, iyo tayada nolosha shacabka.

Mas’uuliyiintii ka qeybgalay kulanka ayaa isku raacay in badbaadada waddooyinku ay tahay arrin qaran oo u baahan iskaashi joogto ah iyo qorshe mideysan oo ay ku wada shaqeeyaan dhammaan hay’adaha ay khuseyso.

Ugu dambeyn, kulankan wadatashiga ah ayaa lagu tilmaamay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka helidda nidaam guud oo casri ah oo lagu maareeyo badqabka waddooyinka, laguna yareeyo saxmada gaadiidka, taas oo wax weyn ka tari doonta horumarka guud ee dalka iyo badqabka shacabka Soomaaliyeed.