Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo sheegtay in la fashiliyey weerarro ay soo qaadeen ciidamo ka amar qaata Laftagareen

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa shaacisay in Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ay si buuxda u fashiliyeen weerar ay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab saaka ku qaadeen magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Bay.

Wasaaradda ayaa sheegtay in ciidamada dowladda ay si adag uga hortageen weerarka, iyagoo dagaal kula galay maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday, waxaana sida ay Wasaaraddu sheegtay lagu dilay in ka badan 30 maleeshiyaad ah oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Intii uu socday howlgalka, Ciidamada Qaranka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay hub iyo gaadiid dagaal oo ay maleeshiyaadku wateen, kuwaas oo la sheegay in loo adeegsan lahaa weerarrada iyo howlgallada ay kooxda ka fuliso deegaannada Gobolka Bay.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa tilmaamtay in ciidamada ay muujiyeen feejignaan iyo adkeysi, taas oo sababtay in weerarka si degdeg ah loo hakiyo, isla markaana kooxda weerarka soo qaaday looga awood roonaado.

Dhanka kale, xaaladda amni ee magaalada Baydhaba ayaa la sheegay inay tahay mid deggan, iyadoo Ciidamada Qaranka iyo kuwa kale ee ammaanka ay sii wadaan sugidda amniga iyo ka hortagga isku day kasta oo kooxda Al-Shabaab ay ku doonayso inay dib ugu soo laabato gudaha magaalada.

Howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa qeyb ka ah dadaallada ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku doonayaan in kooxda looga saaro goobaha ay kaga sugan tahay qaar ka mid ah gobollada dalka, iyadoo la xoojinayo amniga iyo xasilloonida deegaanada ay ku nool yihiin shacabka Soomaaliyeed.