Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta martigelisay munaasabad lagu saxiixayay qandaraaska adeegyada daraasadaynta, naqshadaynta, qiimeynta saameynta deegaanka iyo bulshada, iyo diyaarinta dukumentiyada qandaraas-bixinta ee Waddada Galkayo–Hobyo, gaar ahaan qaybta Galkayo–Elgula oo dhererkeedu yahay 100 kiiloomitir.
Munaasabadda oo ka dhacday xarunta Wasaaradda ayaa waxaa shir-guddoominayay Wasiirka Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ayub Ismail Yusuf. Waxaana ka qeyb galay Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Hawlaha Guud ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Dhiblaawe Casir, Agaasimaha Guud ee IBS Bank, Mudane Cabdirisaaq Cali Warsame, wakiillo ka socday GOB Community Organisation iyo masuuliyiinta shirkadda KKATT Consult Limited oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee shirkadda, Injineer Kato Kagga.
Waddada Galkayo–Hobyo ayaa muddo dheer loo aqoonsanaa mid ka mid ah kaabeyaasha ugu muhiimsan uguna istiraatiijisan bartamaha Soomaaliya, maadaama ay isku xirto deegaannada gudaha dalka iyo dekedaha xeebaha Badweynta Hindiya. Mashruucan ayaa la filayaa inuu door weyn ka qaato kobcinta ganacsiga, fududeynta isu-socodka, xoojinta amniga iyo kor u qaadista isku xirnaanta dhaqaalaha dalka.
Bilowga daraasadaynta iyo naqshadaynta qaybta Galkayo–Elgula ee dhererkeedu yahay 100-ka kiiloomitir ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo gogol-xaar u noqon doonta hirgelinta iyo dhismaha guud ahaan Waddada Galkayo–Hobyo oo dhererkeedu dhan yahay 260 kiiloomitir.
Wasiirka Hawlaha Guud, Mudane Ayub Ismail Yusuf, ayaa sheegay in mashruucani uu muhiimad gaar ah u leeyahay horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha dalka, isagoo bogaadiyay dadaallada ay muujiyeen GOB Community Organisation iyo dhammaan dhinacyadii ka shaqeeyay hirgelinta mashruucan. Waxa uu sidoo kale xusay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay inay si dhow ula shaqeyso Dowladda Galmudug, bah-wadaagta horumarinta, ganacsatada gaarka loo leeyahay iyo bulshada deegaanka si loo dardargeliyo maalgashiga kaabeyaasha dhaqaalaha.
Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ammaanay dadaallada Wasaaradda Hawlaha Guud ee ku aaddan hirgelinta mashruucan muhiimka ah, isaga oo si gaar ah u xusay doorka hoggaamineed ee Wasiir Ayub Ismail Yusuf ee gaarsiiyay mashruuca heerka saxiixa qandaraaska.
Qandaraaska la saxiixay ayaa shirkadda KKATT Consult Limited u xilsaaraya fulinta daraasaadka farsamo, naqshadaynta hordhaca ah iyo tan faahfaahsan, qiimeynta saameynta deegaanka iyo bulshada, iyo diyaarinta dukumentiyada qandaraas-bixinta ee qaybta Galkayo–Elgula.
Mashruucan ayaa qeyb ka ah Barnaamijka Horumarinta Kaabeyaasha Waddooyinka Soomaaliya (RIPSOM), kaas oo ay maalgelinayaan Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) iyo Midowga Yurub (EU), iyadoo ay fulinayso Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasaaraddu waxay ugu dambeyn uga mahadcelisay Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB), Midowga Yurub (EU), Dowladda Galmudug, hoggaanka bulshada iyo dhammaan daneeyayaasha kale taageerada ay ku bixiyeen horumarinta kaabeyaasha waddooyinka Soomaaliya iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.