Wasaaradda Isgaarsiinta oo Muqdisho ku Qabatay Tababarka Maamulka Xogta Qaranka

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay Tababarka Ansixinta Siyaasadda Maamulka Xogta Qaranka Soomaaliyeed, kaas oo socday laba maalmood, 15 iyo 16 Febraayo 2026.
Tababarkan ayaa ahaa geeddi-socod muhiim ah oo lagu dhisayo nidaam qaran oo mideeya maamulka, ilaalinta iyo ka faa’iidaysiga xogta dalka.
Waxaa si rasmi ah u furay Maareeyaha Hay’adda Dhowrista Xogta, Mudane Maxamed Nuur Olow, oo xusay in ilaalinta xogta muwaadiniinta iyo xaqiijinta isticmaalka xog sugan ay yihiin saldhigga horumarinta adeegyada dowladeed ee dijitaalka ah. Maareeyaha ayaa carrabka ku adkeeyay in dhismaha hannaan sharci iyo farsamo oo cad uu lagama maarmaan u yahay kalsoonida dadweynaha iyo hufnaanta hay’adaha dowladda.
Intii uu socday tababarku waxaa diiradda lagu saaray dib u eegista iyo ansixinta qabyo qoraalka Siyaasadda Qaranka ee Maamulka Xogta, iyadoo si qoto dheer loo falanqeeyay qaab-dhismeedka maamulka xogta, caqabadaha sharci iyo farsamo ee jira, iyo sida loo hirgelin karo nidaam isku dhafan oo heer qaran ah. Doodaha iyo talooyinka la soo jeediyay ayaa saldhig u noqday hagaajinta iyo dhameystirka dukumentiga siyaasadda.
Maalintii labaad oo ahayd xiritaanka tababarka, waxaa lagu soo bandhigay qodobadii la isku raacay iyo talooyinkii kama dambaysta ahaa ee lagu xoojinayo Siyaasadda Maamulka Xogta Qaranka. Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ayaa caddeysay in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaalka ballaaran ee lagu dhisayo dowlad dijitaal ah oo ku dhisan xog sugan, isla markaana la jaanqaadaysa heerarka caalamiga ah.
Tababarkan ayaa la filayaa in uu si toos ah uga qeyb qaato ansixinta iyo hirgelinta Siyaasadda Maamulka Xogta Qaranka, taas oo saldhig u noqon doonta isbeddel dhab ah oo ku yimaada hab maamulka xogta dalka iyo tayeynta go’aan qaadashada ku dhisan xog la isku halleyn karo.